PENTAGON: Maalin Waliba 8 Milyan Oo Dollar Ayaa Nooga Baxda Duqeymaha Ciraaq Iyo Suuriya WARBIXIN.

Wednesday October 29, 2014 - 10:24:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 40
  • 0 1
  • Share via Social Media

    PENTAGON: Maalin Waliba 8 Milyan Oo Dollar Ayaa Nooga Baxda Duqeymaha Ciraaq Iyo Suuriya WARBIXIN.

    Xilli jahwareer uu ka taagnaa fashilka muuqda ee gulufka xagga duqeymaha Cirka ee lagu qaaday Ciraaq iyo Shaam ayaa waxaa soo ifbaxay jahwareer kale oo la xiriira dhaqaalaha xad-dhaafka ah ee ku baxaya howlgalladan, iyadoona tani ay soo dadajineyso i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli jahwareer uu ka taagnaa fashilka muuqda ee gulufka xagga duqeymaha Cirka ee lagu qaaday Ciraaq iyo Shaam ayaa waxaa soo ifbaxay jahwareer kale oo la xiriira dhaqaalaha xad-dhaafka ah ee ku baxaya howlgalladan, iyadoona tani ay soo dadajineyso in xilliyada soo socda uu kala fur furmo Isbaheysiga loo sameeyay ka hortagga taqaddumka Dawladda Islaamiga ah.


 

Mareykanka oo hoggaan u ah Isbaheysigan ayaa bilaabay qeyla dhaanta xagga dhaqaalaha dagaalka, Dad badana waxay isweydiinayaan haddaba sidee xaalku noqon doonaa haddii hardanku sii daba-dheerado?.

 

3 bilood ka hor, waqtigaas oo Kufriga caalamku uu la amakaagay horumarada ay Mujaahidiintu ka sameeyeen dagaallada Ciraaq iyo Suuriya, waxaa shirarkii dhacayay looga arrinsanayay jawaab celin deg deg ah, taas oo haddii ay duulaan noqoto aad loo shaki gelinayay mustaqbalka jiritaanka Dawladda Islaamiga ee dhulka baaxadda leh ka maamusha Ciraaq iyo Shaam.



 

Laakin maanta arrinku sidaas aad ayuu kaga duwan yahay, sababtoo ah waxaa shaki la gelinayaa mustaqbalka jiritaanka Isbaheysiga 40-ka dawladood ka badan ee Mareykanku u sameeyay la dagaallanka Mujaahidiinta.

 

Mar waliba oo dagaalku adkaado waxaa fagaaraha ku haraya ciddii dhabar adeyg la timaada.

 

Guul Raadin & Guuldaro Ka Carar.

 

Kuwo badan oo isku sheega xeel-dheerayaal iyo falanqeeyayaal ayaa saadaalinayay haddii duqeyn xagga cirka ahi bilaabato in 7aad ama 2 todobaad gudahooda a6 DI ku weyn doonto dhul baaxad leh, hub fara bandanna laga qaban doono, laakin toban todobaad ka badan oo ay duqeyntu socoto waxaa soo baxeysa saadaalintii xeel-dheerayaashu iney aheyd mala-awaal aan loo meel dayin.

 

Arrinka aadka u xiisaha leh ayaa noqonaya Isbaheysigii duulaanka ahaa ee guusha raadinayay inuu hadda guul-darro ka carar isu-badalayo, mana ku sii jirto xilligan oo howshu ay sii adkaatay iyo Mujaahidiinta oo Ciraaq iyo Shaam ka noqday mowjado daadad ah oo aan la hor istaagi Karin.

 

Shalay warbixin ka soo baxday Wasaaradda Gaashaan dhigga Mareykanka ayaa kicisay dareen weyn oo keenay in la lafa-guro mustaqbalka mugdiga ku jiro ee Isbaheysiga la dagaalamaya DI.

 

Pentagon-ka ayaa shaaciyay markii u horeysay in lacag dhan 580 Milyan oo dollar ay ku waayeen howlgalladooda 3-dii bilood ee la soo dhaafay, taas oo u dhiganta Nus Bilyan Dollar iney khasaareen 3 bilood gudahooda, taas oo u dhiganta haddii sanad ay dagaalka wadaan iney khasaari doonaan 2 Bilyan oo dollar.

 

8 Milyan iyo 300 kun oo dollar

 

Madax wareerka xisaabtan waxaa ka sii daran waji-gabax ka taagan fagaaraha dagaalka; intaas oo qarash ah oo baxay, hadane waxaa la badbaadin la’yahay hal magaalo sida Ceynul Carab oo kale.

 

Pill Orban oo ah afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaan dhigga Mareykanka ayaa kashifay in Mareykanku kaligiis uu maalin waliba dagaallada Suuriya iyo Ciraaq ku qarash-gareeyo lacag dhan 8 Milyan iyo 300 kun oo dollar, taas oo uu ku sheegay iney sabab u tahay kordhinta weerarada ay kaga jawaab celinayaan taqaddumka Mujaahidiinta DI (Dowladda Islaamiga ah).

 

Khasaaraha hantiyeed ayaa aad u soo dadajin kara guuldarrada Xulifada marka lagu qiimeeyo khasaaraha nafeed oo ilaa hadda wax weyn aaney ka gaarin Xulifada.

 

Warbixinno ayaa sheegaya in dhaqaalaha ugu badan ay ku baxaan duullimaadyada sirdoon iyo kuwa istid-laaca marka ay dhowdahay in la qaado duqeyn xagga cirka ah.

 

Tusaale ahaan: hal mar oo istid-laac ay sameyso diyaarad nuuceedu yahay Predator ama Riper, halkii saac-ba oo hawada ay ku jirto waxaa ku kaceysa Kun dollar, laakin haddii isla hal saac hawada la geliyo diyaaradda iyana istidhlaaca nuuca Global Hawk waxey ku kaceysaa 7 kun oo dollar. Macnaheedu waxey tahay 8-dii saacadood-ba oo howlgal Istidhlaac ah waxey ka kaceysaa lacag ka badan Nus Milyan dollarka Mareykanka ah.

 

qiimeyn dhanka Istiraatiijiyadda ah

 

Inkastoo lacagtan ay madax xanuun ugu filan tahay Mareykanka iyo Isbaheysigiisa sii fashilmaya ayaa hadane khubarro arrimaha xagga Istiraatiijiga waxeyba qiyaasayaan in tirada lacagta hadda la sheegayo ay aad uga badan tahay midda la isticmaalayo, lagana yaabo in Mareykanku qarinayo.

 

Dadka fekerkaasi qaba waxaa ka mid ah Tod Harisson oo aaminsan in 6-dii bilood-ba ay ku baxeyso duqeymahan ku dhawaad 1 Bilyan iyo Bar oo dollar, waxaana arrinkaasi uu u aaneynayaa in Mareykanku uu duulaankani xagga cirka ahi kaga qeybgalayo diyaaradihiisa ugu qaalisan, sida kuwa F-22 Raptor ama F-15 Eegle.

 

Sida ay muujineyso qiimeyn dhanka Istiraatiijiyadda ah, Isbaheysiga Saliibiga ah ee ka dhanka DI ayaa daal iyo haraad uu ka soo muuqday, iyadoona uu sii yaraanayo xiisihii ay markii hore ku bilaabeen duulaankooda. Dalal badan oo Ingiriisku ugu horeeyo ayaa ilaa hadda ka warwareegaya iney ka qeybgalaan duqeymaha Suuriya, laakin Ciraaq wey ka qeyb-qaadanayaan iyagoo og Halyeeyada ay ku beegsanayaan Ciraaq iyo kuwa ay Suuriya kaga war-wareegsanayaan iney yihiin ciidanka hal Dawlad un ka wada tirsan, laakin waxaa muuqanaya tabartoodu iney meesha dhigtay.

 

Silaaxa Ducada Oo Ka Adkaaday Salaaxa Maadada

 

Mikel Shuwar, oo mar madax ka ahaa CIA-da Mareykanka, qeybtii u xilsaarneyd dabagalka Sheekh Usaama –Raximahullaah- ayaa rumeysan in maamulka Obama uu hadiyad tii ugu qaalisaneyd u gudbiyay DI markii maamulkiisa lagu soo jiiday mar kale hardanka ka soconaya dhulalka Muslimiinta.

 

Gaalkan oo sumcad weyn ku dhex leh Mareykanka ayaa waxyaabaha ugu weyn ee uu ka digayo waxaa ka mid ah dhiig baxxa dhaqaale ee dagaalka iyo mudadiisa oo ay aad u muuqato iney dheeraan doonto.

 

Marka laga taago walbahaarka heysta Isbaheysiga Gaalada ee la xiriira wax ku noolnimo la’aanta duqeymahooda, sidoo kalena meel la isaga tuuro qarowga warbaahinadooda iyana fasirka u raadinaya sababta arrintan ay ku dhacday, mar laga soo tago dhamaan arrimahaas, DI waxey dhankeedu dareensan tahay in col cudud iyo cumalo Caalami ah isku darsaday uu soo weeraray, balse ay ka magan galayaan Rabbiga Caalamka.

 

Afhayeenka DI Sh Abu Muxammad Al-cadnaani ayaa kalmaddiisii u danbeysay ee uu ka hadlay duulaankani wuxu ku soo gunaanaday ducooyin fara badan oo saameyn reebay; hadda sow inaguna uma fasiri karno arrinkani in: Silaaxa Ducada uu kaga adkaanayo Silaaxa Maaddada!.

Xigasho:idaacadda Andalus

Related Items