Sayid Cali "Kenya Burbur Ayey Qarka U Saaran Tahay" Dhageyso.

Wednesday June 18, 2014 - 20:55:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sayid Cali "Kenya Burbur Ayey Qarka U Saaran Tahay" Dhageyso.

    Sayid Cali oo ah aqoonyahan si aad ah ugu dhuun daloola siyaasadda iyo xaaladda wadanka Kenya ayaa sheegay in dowladda wadankaasi ay qarka u saaran tahay iney burburto maadaama ay sugi la'dahay ammaanka magaalooyinkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sayid Cali oo ah aqoonyahan si aad ah ugu dhuun daloola siyaasadda iyo xaaladda wadanka Kenya ayaa sheegay in dowladda wadankaasi ay qarka u saaran tahay iney burburto maadaama ay sugi la'dahay ammaanka magaalooyinkeeda.


Wuxuu sheegay in Kenya ay ku socoto wadadii burburka, isagoo tusaale usoo qaatay khilaafka haatan ka dhaxeeya madaxweynaha iyo axzaabta mucaaradka iyo sida shacabka dalkaasi ay uga careysan yihiin siyaasad xumada madaxdooda ee u horseeday dhiigga iyo dhimashada.

Aqoonyahanka ayaa sheegay in aan Kenya looga horeyn duullaanka indho la’aanta ah ee ay kusoo qaaday Soomaaliya oo ay hadda guraneyso bilowga mirihiisa.



Wuxuu xusay in xitaa haddii Kenya qaadato go’aan ay ciidamadeeda kula baxayso aanu u sahlaneyn xilligan, tanina waxay fursad weyn u tahay buu yiri’ muslimiinta gumaadka lagu hayo ee dalkaasi.

Sayid Cali ayaa intaasi ku daray in weeraradii ka dhacay Laamu ay si cad bannaanka usoo dhigeen itaal darida ciidamada dowladda Kenya.

Isha Maqalka:Alfurqaan



Related Items