Sh.Abuu Muscab oo Shir Jaraa'id Ku Faah Faahiyay Dilka Taliye Ku Xigeenkii Waaxda Socdaalka iyo Arrimo Kale.

Tuesday November 11, 2014 - 19:45:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 2
  • Share via Social Media

    Sh.Abuu Muscab oo Shir Jaraa'id Ku Faah Faahiyay Dilka Taliye Ku Xigeenkii Waaxda Socdaalka iyo Arrimo Kale.

    Afhayeenka ciidanka shabaabul Mujaahidiin Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa shir Jaraa'id oo uu qabtay ku faah faahiyay howlgallo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo gobollada shabeelaha dhexe iyo shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka ciidanka shabaabul Mujaahidiin Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa shir Jaraa'id oo uu qabtay ku faah faahiyay howlgallo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo gobollada shabeelaha dhexe iyo shabeelaha Hoose.

Wuxuu sheegay in ciidanka gaarka ah ee mujaahidiinta ay bartamaha Muqdisho ku dileen taliye ku xigeenkii waaxda socdaalka ahaana sarkaal reer galbeedku soo tababareen.

"Mujaahidiintu waxay Muqdisho ku dileen  taliye ku xigeenka murtadiinta ugu magacaawnaa socdaalka wuxuu ahaa Nin gaaladu soo tababarteen oo Interpol-ka katirsanaa”ayuu yiri Abuu Muscab.

Xarakada Al Shabaab waxay xaqiijisay in ciidankeedu maalmahan Muqdisho ka wadaan howlgallo ka dhan ah saraakiisha DF-ka.


Sidoo kale Afhayeenka ciidanka mujaahidiinta ayaa ka hadlay howlgallo ka dhan ah ciidanka shisheeye oo ka dhacay Duleedyada Baraawe iyo Muqdisho.

Halkan ka degso Shirka Jaraa'id Ee Sh.Abuu Muscab MP3

Related Items