Daawo:Ma Xildhibaanaa Mise Waa Ciyaal Xaafadeed? Buuqii Baarlamaanka.

Wednesday November 12, 2014 - 11:53:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Ma Xildhibaanaa Mise Waa Ciyaal Xaafadeed? Buuqii Baarlamaanka.

    Shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayaa hadal haya dhacadadii shalay ka dhacday xarunta baarlamaanka DF-ka ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayaa hadal haya dhacadadii shalay ka dhacday xarunta baarlamaanka DF-ka ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada kala taabacsan hoggaamiyaasha DF-ka ee is khilaafsan ayaa gacmaha iskula tegay iyagoo sidii carruurta oo kale isugu buuqay marmarka qaarna is aflagaadaynayay.

Xildhibaano wata "Fooriye” ama Farambi oo aad mooddo garsoore kubadeed ayaa dhax taagnaa hoolka waxayna ku qeylinayeen dooni mayno halka xildhibaanada qaar ay wateen boorar lagusoo xardhay "Codkaaga lacag haku bedelan”.

Siyaasiga Cabdi Cadde ayaa aaminsan in waxa meesha lagu kulmiyay ay yihiin dabadhilifyo diinkooda iibsaday islamarkaana wax walba ka suurtoobaan.


"Soomaalidu waxay tiraahdaa hal xaaraan ah Nirig xalaal ah madhasho,xildhibaanada DF-ka markii hore ayay xaaraan kusoo galeen baarlamaanka oo waxaa lagusoo dhisay dastuur gaaleed Mahiiga soo sameeyay anigu kuwaas wax walba waan ka filayaa waana calooshood ushaqeystayaal lagu adeegto”ayuu yiri Cabdi Cadde.

Halkaan Ka Daawo Xildhibaanada oo sida carruurta oo kale ubuuqaya

Related Items