Dhageyso:Abwaan Wariye C/llahi Soomaali Oo Gabay Ka Tiriyay Dagaalkii Kudhaa.

Wednesday November 12, 2014 - 11:30:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 3
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Abwaan Wariye C/llahi Soomaali Oo Gabay Ka Tiriyay Dagaalkii Kudhaa.

    Gabaygaan magaciisa waxaa la yiraahdaa kudhaa waxaana Abwaan Cabdullaahi soomaali ka tiriyay maleeshiyaadkii magac xumada umadda soomaaliyeed ee muslimiinta ah u soo jiiday kana tirsanaa maamulka Axmed madoobe ee dhawaan xarakada shabaabul mujaahidii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygaan magaciisa waxaa la yiraahdaa kudhaa waxaana Abwaan Cabdullaahi soomaali ka tiriyay maleeshiyaadkii magac xumada umadda soomaaliyeed ee muslimiinta ah u soo jiiday kana tirsanaa maamulka Axmed madoobe ee dhawaan xarakada shabaabul mujaahidiin ku laysay degaanka kudhaa ee gobalka jubada hoose, waxaanuu ku bilaabay.

Ninba macalin buu leeyiyo midduu mid daneeyaaya,

Asiguu maqaalkii akhriyi maalin iyo leyle,

Ardada aan maaweeliyee meel badan joogoow,

Marsadii kudhaa iyo dhulkii magaca weyn yeeshay,

Mashaqada halkii cadawga baas mowle ku haleeshay,

Maanso in aan ku sheego durbaba idin maqashiiyo,

Waa waxaad muhaysaan amaad maliilaceysaane,

Muwaxahidiintu way sugahayaan maanta gabaygaane,

Murti iyo war miisaan leh baan idin mihiibsiine,

Mir iyo mayaay baa da’ee maaxda iga hooya.

Bini aadam maankiisu waa muducyo foodoode,

inba meel ayuu jeceshahoo una muraaddaaye,

Mabda iyo caqiidowgu wacan kala maqnaataaye,

Nimankii mucaaraday xaqoo marinka gaal raacay,

Nimankii dhulkii meeriyee mucatabloow siiyay,

Nimankii mashaa’iikh daldalay masjidyada joogay,

Nimankii marasteenniyo maato wada laayay,

Nimankii marwo iyo saqiir meel ku wada fuulay,

Nimankii marduuf iyo caleen miidda laga siistay,

Nimankii madiidin ahaa maafiyada raacsan,

Nimankii hashay maalayeen gowrac marinaayay,

Nimankii marqaan mooyiye aan milgaba haynin,

Nimankii macaansiga qur’aan laga madoobeeyay,

Nimankii shareecada manciyay muqadiskaahayday,

Nimankii macaasiyo xumaan malab ku suureeyay,

Nimankii mariid iyo ahaa mur iyo waabayda,

Nimankii kufri magansadee yiri wax noo meeri,

Nimankii waxay maal qabeen maalin wada siiyay,

Nimankii maqaalin ahaa midigta gaal hayso,

Nimankii majuusiga rabee muslinimo diiday,

Nimankii mushaar kii u qora daba mushaaxaayay,

Nimankii mishigaan iyo mortar nala eegtay,

Nimankii mabaa’dii Ibliis keenay minankeenna,

Nimankii waxay miilicsadaan muruq ku qaadaayay,

Wax la yiri murtadiinti baas maanta lagu duulyay,

Wax la yiri masiibaa heshiyo mowjad iyo hooge,

Wax la yiri niman loo meraa xalay ku gees maatay,

Wax la yiri markii waa beryaa la isku meegaaray

Wax la yiri malleeshaadki jaan maar la qabadsiiyay,

Wax la yiri madax iyo calool looga miriqsiiyay,

Wax la yiri baqtaa meeshi yaal niman la meyteeyay,

Wax la yiri maqaarkaa gubtoo medeb gadoomeene,

Wax yiri milil baa ka baxay carun madoobaada,

Wax la yiri maskaxbaa faniiin meela badan gaartay,

Wax la yiri kuwaa maanyadii malag ku raacdeeyay,

Wax la yiri ku maashoode oo yaxaas ka miir beel yay,

Wax la yiri dadkii meesha tegay maagay badidiisba,

Wax la yiri muslimbaa qabsaday meeshi idilkeedba,

Wax la yiri maqsinadi la furay wada milaalnaaye,

Wax la yiri maal badan la hanay mahad ilaahaye,

Waxla yiri qoryo medeb ifaa meesha laga qaaday,

Wax la yiri madaafiic garbeed mowle naga siiyay,

Wax la yiri calankii mugdiga waa la kala miijay,

Wax la yiri midkii ina Islaam meesha laga taagyay,

Wax la yiri kuwaa ma ahin yiri nimanka mooryaanta,

Wax la yiri mudkaa lagu dhuftoo waa la madax gooyay,

Wax la yiri kuwaa muusanaaw midigta hoorsaayay,

Wax la yiri miciin looma falin maarna lagu dhoobyay,

Wax la yiri maqaarsaarku way sii murrugayaane,

Wax la yiri muraalkood jabyoo murugu saameysay,

Wax la yiri muran baa ka jira madalahoodiiye,

Wax la yiri madaxiis la gale murun daraadiiye,

Wax la yiri qalbi madoobe waa mirriqsanaayaaye,

Wax la yiri ishow mirrig ka siin sidi maxaabiisse,

Wax la yiri majnuun bow noqdoo tuuray maradiiye,

Wax la yiri qabyaaladow mugaan ku mintidayaaye,

Wax la yiri dadoow mool gelshoow marakan gaadaaye,

Wax la yiri wixii miir qabaa miinka ka abaare,

Wax la yiri munaafaqow na daa maahin ehelkaaye,

Wax la yiri muusaad u wacay iyo maraykaan’ba,

Wax la yiri miciin kama helin ama wax muuqdaaye,

Asigiyo wixii uu martay ama la meel jooga,

Markab caaryay bey noqonayaan mowle idinkiiye,

Annaguna meddad in aan helnaan mihindisaayaye.



Halkan ka degso gabayga MP3

Related Items