Weeraro Lagu Qaaday Safaaradaha Masar iyo imaaraadka Carabta ay Ku Leeyihiin Caasimadda Liibiya.

Thursday November 13, 2014 - 10:20:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Lagu Qaaday Safaaradaha Masar iyo imaaraadka Carabta ay Ku Leeyihiin Caasimadda Liibiya.

    Wararka ka imaanaya Liibiya ayaa xaqiijinaya in gaadiid walxaha qarxa lagasoo buuxiyay lagu garaacay xarumo kuyaal magaalada dabaraq ee dhacda bariga liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Liibiya ayaa xaqiijinaya in gaadiid walxaha qarxa lagasoo buuxiyay lagu garaacay xarumo kuyaal magaalada dabaraq ee dhacda bariga liibiya.

magaalada waxay xarun u tahay baarlamaan ku sheegga daaquuda iyo dagaal ooge khaliifa xiftar waxayna leedahay dekad ay kusoo xirtaan maraakiibta saadka melleteri ukeentay dawaaqiidda liibiya ka dagaalamaysa.

Saacado kadib ayaa maanta oo khamiis ah qaraxyo hor leh lala eegtay dhismayaasha safaaraha Masar iyo imaaraadka carabta ku leeyihiin magaalada Daraabulis ee caasimadda ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in laba gaari ay ku qarxeen safaraadaha oo bilihii lasoo dhaafay xirnaa sababa laxariira dowladahaasi oo faragelin siyaasadeed kusoo sameeyay Liibiya.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaas xooggan laga maqlay hareeraha xarunta baarlamaanka ee magaalada iyadoona la arkayay gaadiidka booliska oo gaaf-wareegaya goobta.

Weeraradan waxay imaanayaan xilli Liibiya ay booqasho ku marayeen wafdi ka socda waxa loogu yeero Q.Midoobe oo isku dayaya in ay iskusoo dhaweeyaan dhinacyada siyaasadda isku khilaafsan.

Mujaahidiinta wilaayada barqah ee bariga liibiya ayaa larumeysanyahay in silsillada weeraro ah ay ku hayaan maleeshiyaadka cadawga iyagoona gurmad ciidan oo ballaaran udiray dhanka magaalada banqaazi halkaasi oo dagaallo halgan ah muddo bilo ah ku dhaxmarayaan xaqqa iyo baadilka

Related Items