Sawirro:Jawaari oo Xarunta Baarlamaanka isagoo Kaba La'aan ah Ka Cararay in Taageerayaasha Cabdi Wali oo Awoodooda soo bandigay.

Saturday November 15, 2014 - 14:31:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:Jawaari oo Xarunta Baarlamaanka isagoo Kaba La'aan ah Ka Cararay in Taageerayaasha Cabdi Wali oo Awoodooda soo bandigay.

    Kulan ay markale magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada baarlamaanka DF-ka ayaa kusoo idlaaday buuq iyo afgaranwaag kaasi oo ugu dambeyntii sababay in lagu kaladareero.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan ay markale magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada baarlamaanka DF-ka ayaa kusoo idlaaday buuq iyo afgaranwaag kaasi oo ugu dambeyntii sababay in lagu kaladareero.


Guddoomiyaha baarlamaanka Max’med Jawaari ayaa isagoo kaba la’aan ah isaga cararay hoolka shirarka kadib markii xildhibaanada taabacsan dhanka Cabdi Wali sheikh ay ku qeyliyeen ayna ku tureen kabo iyo caagadaha biya laga cabo.

Wariyaal ku sugnaa hoolka baarlamaanka xilligii sawaxanku dhacay ayaa sheegay in xildhibaanada dhanka Cabdi Wali Sheekh taabacsan ay ku hanjabayeen gacan ka hadal haddii lasoo hadal qaado mooshinka ka dhanka ah xukuumadda.



Xildhibaanada calooshood ushaqeystayaasha ah ayaa la arkayay iyagoo boorar ka dhan ah garabka Xasan Sheekh ku dhax xardhay hoolka baarlamaanka xaaladda ayaa faraha ka baxday waxaana suurtageli waysay in kulanka baarlamaanka lafuro iyadoona ugu dambeyntii guddoomiyaha baarlamaanka uu goobta ka cararay.

Xildhibaanada taageeran Xasan Sheekh ayaa iyagoo waji gabaxsan dib ugu laabtay Hoteellada ay magaalada ka deganyihiin,ilo wareedyo ayaa sheegaya in xildhibaanada kasoo horjeedo R/wasaaraha ay qorshaynayeen cod uqaadis ay usameeyaan xukuumadda.



Lasoco wixii soo kordha

Related Items