Xoogaga Boko Haram oo Qabsaday Magaalo Weyn oo Dalka Naigeria Katirsan.

Saturday November 15, 2014 - 16:44:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Boko Haram oo Qabsaday Magaalo Weyn oo Dalka Naigeria Katirsan.

    Wararka ka imaanaya wadanka Naigeria ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta Ahlusuna Lidacwah ee reer galbeedku u yaqaanaan Boko Haram ay qabsadeen magaalo istiraatiiji ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Naigeria ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta Ahlusuna Lidacwah ee reer galbeedku u yaqaanaan Boko Haram ay qabsadeen magaalo istiraatiiji ah.

Boqolaal katirsan ciidamada mujaahidiinta ayaa gudaha ugalay magaalada kadibna waxaa xarumaha muhiimka ah ee Chibok ka baxay ciidamada melleteriga iyo kuwa booliska.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogaga islaamiga ah ee magaalada qabsaday ay qaniimeysteen saanado hub ah oo yiilay saldhigyada ciidanka iyagoona fariisimo ka sameystay xarumaha muhiimka sida xarunta degmada Gaalshiraha iyo warshad dharka melleteriga soo saari jirtay.


Magaalada Chibok ayaa soo caanbaxday 7 bilood ka hor oo mujaahidiintu ay ka qafaasheen gabdho kirishtaan ahaa balse markii dambe diinta islaamka ku qancay kadibna lasii daayay.

Melleteriga Naigeria ayaa ku hor kufay mujaahidiinta kadib markii ay awoodi waayeen in magaalooyinka waaweyn ay ka difaacaan,intabadan gobolada dhaca waqooyiga Bari iyo bartamaha Naigeria waxaa maamula Mujaahidiinta Ahlusunna "Boko Haram”

Related Items