Warbixin:Xasan Sheekh oo Joojinta Buuqa Xildhibaanada u Adeegsanaya AMISOM iyo Ciidanka Nabad Sugidda.

Sunday November 16, 2014 - 11:42:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin:Xasan Sheekh oo Joojinta Buuqa Xildhibaanada u Adeegsanaya AMISOM iyo Ciidanka Nabad Sugidda.

    Hoggaamiyaha DF-ka ayaa ka carooday habdhaqanka ay lasoo bexeen xildhibaanada taageersan R/wasaare Cabdi Wali Sheekh kuwaasi oo fashiliyay qorshe lagu eryi rabay Wasiirka koowaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha DF-ka ayaa ka carooday habdhaqanka ay lasoo bexeen xildhibaanada taageersan R/wasaare Cabdi Wali Sheekh kuwaasi oo fashiliyay qorshe lagu eryi rabay Wasiirka koowaad.

Xildhibaanada taabacsan Cabdi Wali Sheekh ayaa shalay markii 2-aad ku guuleystay in ay dib udhigaan soo bandhigista mooshinka ka dhanka ah xukuumadda ee gacanta guddoomiyaha baarlamaanka kujira.

Xasan Gurguurte oo xalay shirar kala gooni gooni ah laqaatay saraakiisha ciidanka Nabad sugidda ayaa kala hadlay sida ugu macquulsan ee lagu joojin karo fowdada ay ku dhaqaaqayaan xildhibaanada Cabdi Wali Sheekh taabacsan.


Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Xasan uu damacsanyahay adeegsiga ciidanka Uganda ee qeybta ka ah shisheeyaha AMISOM kuwaasi oo si hoose lacag uga qaatay xafiiskiisa.

Taliyaha ciidanka Uganda ee Muqdisho ku sugan ayaa xalka gaarista mashaakilaadka ka taagan fadhiyada baarlamaanka kala hadlay N.Kay oo ah xaakimka gumeystaha uqaabilsan Soomaaliya waxayna ubadantahay in AMISOM loo diido faragelinta khilaafka madaxda DF-ka ka dhaxtaagan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu lasafanyahay dhanka R/wasaaraha islamarkaana uu ka meer meerayo in kulanka baarlamaanka sidii larabay uqabsoomo.

Waqtiga ayaa guraya Xasan Gurguurte oo ku taamayay in inta aan lagaarin maalinta arbacada uu soo afjaro R/wasaaranimada Cabdi Wali sheikh si shirka Denmark ka dhici doono uu uga qeyb galo

Related Items