Sh.Cali Dheere " inta Ciidanka Kenya Duullaanka Ku Joogaan Soomaaliya Dhiigga Shacabka Kenya Waa Sii Daadan Doonaa" Dhageyso.

Tuesday December 02, 2014 - 19:51:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Sh.Cali Dheere " inta Ciidanka Kenya Duullaanka Ku Joogaan Soomaaliya Dhiigga Shacabka Kenya Waa Sii Daadan Doonaa" Dhageyso.

    Hoggaanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa war kasoo saaray xaaladaha murugsan ee wadanka Kenya ka aloosan kadib markii howlgallo is xigxigay ay mujaahidiinta Soomaaliya ka fuliyeen Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa war kasoo saaray xaaladaha murugsan ee wadanka Kenya ka aloosan kadib markii howlgallo is xigxigay ay mujaahidiinta Soomaaliya ka fuliyeen Kenya.

Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali dheere Afhayeenka Al Shabaab ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay uga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan dagaalka ay shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah kula jiraan shisheeyaha Kenya.

Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in ciidamada mujaahidiintu ay weerar qorshaysan ku qaadeen magaalo katirsan dhulka Soomaalida Kenya gumeysato halkaasina ay ku dileen 40 qof oo Nasaara Kenyan ah.


Sheekh Cali Dheere wuxuu shirkiisa Jaraa'id ku faah faahiyay halka uu salka ku hayo dagaalka u dhaxeeya Kenya iyo mujaahidiinta Soomaaliya oo dhammaantiis kusoo biya shubanaya duullaanka ay ciidanka Kenya kusoo qaadeen Soomaaliya iyo xamlada ka dhanka ah muslimiinta oo laamaha ammaanka Kenya ka wadaan Mombaasa iyo dhulka Xeebaha.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidanka Al Shabaab sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Dadka aan muslimka aheyn ee Kenya inta ciidanka gumeysiga Kenya duullaanka ku joogaan Soomaaliya.

Mar uu soo hadal qaaday iscasilaadda taliyaha booliska Kenya iyo wasiirka arrimaha gudaha ayuu ku tilmaamay mid aan wax weyn soo kordhin doonin inta madaxda wadankaasi kusii socdaan siyaasadda khaldan ee ku dhisan ladagaalanka muslimiinta balse haddii ay duullaanka ka joojiyaan shacabka soomaaliyeed isbedel imaan karo.

Halkan ka dhageyso ama ka degso Shirka Jaraa'id Ee Sh.Cali Dheere MP3

Related Items