Xiisada Colaadeed Oo Kismaayo Kajira iyo Maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo Sarkaal Dilay.

Saturday June 21, 2014 - 10:50:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.7/5 Stars) Total Votes: 6
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisada Colaadeed Oo Kismaayo Kajira iyo Maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo Sarkaal Dilay.

    Xaalado kacsanaan ah ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo isbuucii lasoo dhaafay ay dagaallo beeleedyo ka dhaceen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqaalka sare ee magaalada Kismaayo
Xaalado kacsanaan ah ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo isbuucii lasoo dhaafay ay dagaallo beeleedyo ka dhaceen.

Wararka Kismaayo ka imaanaya ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleedyo hubaysan ay gaaf wareegayaan waddooyinka magaalada kuwaasi oo baadi goob ugu jira maleeshiyaad kale oo shalay gelinkii dambe dilay Nin sarkaal ahaa.

Ciidamada maamulka Axmed Madoobe ayaa Kismaayo ku dilay taliyihii ciidanka Col.Cabdllaahi Fartaag oo ku magacaaban madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba.

Kala shaki ayaa ka dhax aloosmay saraakiisha maamulka Axmed Madoobe ee dabadhilifka u ah ciidamada gumeysiga Kenya ee Kismaayo xoogga ku heysta.


Sarkaal laga dilay Fartaag oo magaciisa lagusoo gaabiyay Dhicis ayaa maalmihii lasoo dhaafay abaabu maleeshiyaad ka waday Kismaayo tallaabadaasi oo ucntami weysay saraakiisha Axmed Madoobe.

Ugu yaraan 10 qof oo dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhimatay iska hor’imaad usbuucii lasoo dhaafay ka dhacay bartamaha degmadaasi.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items