Xuunshooy Goormaad Wax Garataa?!!! Maqaal.

Saturday June 21, 2014 - 12:02:17 in Maqaalllo by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xuunshooy Goormaad Wax Garataa?!!! Maqaal.

    Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:Max'med Suldaan Garyare
Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

Soomaalidu waa dad af-maal ah, murtina badan noolaha oo dhanna maahmaahyo iyo murti ayey ka sameeyeen. Noolahaa ay Soomaalidu cabbir ka sameysey waxaa ka mid ah noolaha baallaleyda ah ee loo yaqaan ‘XUUNSHADA’.

Xuunshada waxa lagu tilmaamaa in ay dareen gaaban tahay, goor Xeero iyo Fandhaal kala dheceena ay wax garato. Waxaana lagu tilmaamaa in ay tahay noolo feejignaanteedu yartahay ama gaaban tahay.



TUKAHA oo isna ah nooc baallaley ah, laakiin dareenkiisu dheer yahay ayaa isna loo soo qaataa tusaale, markii la doonayo in la tilmaamo dhiifoon iyo fooojignaan.

Tuke ayaa la weydiiyey goorta uu wax dareemo. Tuke ayaa ku jawaabey, waxa aan wax dareemaa goortii laba nin is dhugato/is fiiriso ama is jalleecdo.

Xuunshada oo aynu horey u soo xusney in ay tahay ama lagu tilmaamo noolo garasho ama dareen gaaban, ayaa iyana la weydiiyey goorta ay wax garato, Xuunsho waxa ay ku jawaabtey in ay wax garato goortii Qaanso iyo Leeb/Fallaar la isa saaro.

Dareenka Xuunshada ayaa Soomaalidu ku micneysey mid goor dambe la gartey, waayo goortii Qaanasada iyo Leebka la isa saaro waxa ay ka dhigan tahay in Leebkii kugu dhacey, oo ay xaajadii soo dhammaatey, meesha Tuke dareemey goorta laba nin is dhugato in dareen jiro, dabadeedna uu meesha isaga duulo inta uusan la kulmin dhiillo.

Dad badan oo Soomaaliyeed amaba afka Soomaaliga ku hadla ayaa muddaba waxa ay ku hadaaqayeen in dawlad iyo nidaam loo dhisayo, aaminna ku qaba waxa beesha caalamka la yiraahdo, laakiin aan anigu u aqaan beesha cadowga ama gaalada.

Dadkaasi muddaba sida carruurta ayey ku hadaaqayeen waxa ay beesha cadowgu hadba idaacadaha iyo warbaahinta ka sheegto, iyaga oo ku celcelinaya wixii ay beesha cadowga ka maqleen ama ay ugu sheekeysey.

Hadadaba su’aasha mudan in la is weydiiyo ayaa waxa ay tahay meedey dawladdii beesha caalamku taageersaneyd ama laga sugaayey?

Waxa qoraal cabbir sadaali saaran yahay muddo dhowr bilood ah, 18kii Jannayo 2014ka, qorey nin lagu magacaabo Maxamed Cumar Cismaan,
Danjirena ka ahaan jirey Safaaraddii Soomaalida ee dalka Hindiya xilliggi dawladdii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre madaxweynaha ka ahaa.

Danjire Maxamed Cumar wuxuu saadaal siyaasadeed ku sameynayey waxa la filan karo markii uu dhamaado muddada dawladdan Xassan Sheekh madaxda ka yahay iyo waxa la filan karo. Danjiruhu wuxuu qoraalkaa ugu magac darey "IMAGINE: Somalia Under IGAD Trusteeship in 2016”, isaga oo diiradda saaraya waxa dhici kara xilliggan uu tiigsadey.

Danjire Maxamed Cumar waxa annu isbaranney xilligii dawladdii Carta ee Jabuuti lagu soo dhisayey sannadkii 2000, dawladdaas oo uu madax ka ahaa Dr Cabdiqaasim Salaad Xassan.

Danjire Maxamed ma aha nin dareen yar, waana nin muddo aan yareyn ku soo jirey waxa loo yaqaan siyaasadda (Politician) iyo Xiriirka Heshiisyada Caalamiga ah iyo Xirfad-wanaagga dadka lagula dhaqmo (Diplomatic).

Qoraalka Danjiraha oo aan jeclahay in aad loo akhriyo, hoosna aan ku lifaaqi doono ayaad mooddaa in uu ka soo hormarey muddaddii uu Danjiruhu saadaaliyey, muddadaas oo ah 2016ka in Soomaalida laga xayuubin doono waxa dawladnimo iyo dal xor ah la yiraahdo, gacantana loo gelin doono waxa beesha caalamka loogu yeero, Qarammada Midoobeyna hor boodayso, iyada oo ciiddammo calooshood u shaqeystayaal ah Xabashina kow ka tahay laga adeejin doono.

Taas oo meesha ka saareysa qarowgii iyo riyadii ahayd in beesha caalamku ay Soomaaliya dawlad u dhiseyso, laakiin ay la daggaalammeyso Al-shabaab, dad badan oo sidii carruurta lagu sasabi jirey ama lagu seexin jirey dawlad ayaa la idiin dhisayaa ee Al-shabaab ayaa idinka hor taaganna uu malahoodii beenoobayo ama uu dhaan Dabaggaalle ku soo ururey.

Saadaasha siyaasadeed iyo xogaha la helayo ayaa waxa ay muujinaayaan, in Xassan Sheekh dhawaan ruqso la siin doono, shaqadiina ka dhammaatey, dabadeedna uu mari doonno halkii ay mareen kuwii isaga ka horreeyey, ee dibad-joognimada ku abaadey.

Ciidammada gaalada ah ee dalka lagu soo daabduley iyo madaxa maamulka dalka ee Nicholas Kayna, talada la wareegi doonaan, maaddaama muddaba laga shaqeynayey, in aan Soomaalidu mas’uul ahayn, mas’uuliyad darrona lagu soo rogo dalka "TRUSTEESHIP”.

Dalku imminkaba waa ku jiraa gumeysi aan la dareemeyn, laakiin doqoni garan meyso, oo dawlad iyo calan aan waxba ka hooseyn ayey meel walba la taagan tahay.

Warku yuusan ila taraarine waxa aan ku soo af jarayaa, ciddii hadda u fadhida in dawlad loo dhiso beesha caalamkuna aqoonsato ama taageero siiso aan ka ahayn in calooshood u shaqeystayaal iyo dullaalliin dalka faganaya, waxa ay la mid yihiin XUUNSHADII aan soo tilmaamey, waxa aynu sugeynaana waa goortii LEEBKU ku dhaco, ileyn dareen ma lehee.


وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله

رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)

Related Items