Askar Mareykan Ah Oo Lagu Dilay Wadanka Afghanistan.

Saturday June 21, 2014 - 12:08:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar Mareykan Ah Oo Lagu Dilay Wadanka Afghanistan.

    Wararka ka imaanaya wadanka afghanistan ayaa sheegaya in ciidamo hor leh oo NATO katirsan lagu dilay weerar gaadmo ah oo lagu qaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawirka Askar Mareykan ah
Wararka ka imaanaya wadanka afghanistan ayaa sheegaya in ciidamo hor leh oo NATO katirsan lagu dilay weerar gaadmo ah oo lagu qaaday.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta imaaradaka islaamiga afghanistan ay dileen ku dhawaad 10 askari oo mareykan ah.

Mas’uul u hadlay dowlada Mareykanka ayaa qiray in dhankooda laga dilay sedax askari balse wuxuu diiday in uu faah faahin dheeri ah ka bixiyo halka askarta looga dilay.

Dagaalyanada Daalibaan ayaa dhammaan gobollada wadanka afghanistan ka wada howlgalka xiliga guga ee loogu magac daray "Kheybar”.

Dhimashada ciidanka Mareykanka waxay kusoo aadayaan xilli Obama uu sheegay in dhammaadka sanadkan 2014-ka ay ciidamadiisu isagasoo bixi doonaan Afghanistan.


Related Items