Weerar Khasaara Dhaliyay oo ka Dhacay Gudaha Kenya iyo Maxkamadda Sare oo Laashay Qodobada la dagaalanka Argagaxisada.

Friday January 02, 2015 - 16:18:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weerar Khasaara Dhaliyay oo ka Dhacay Gudaha Kenya iyo Maxkamadda Sare oo Laashay Qodobada la dagaalanka Argagaxisada.

    Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in weerar hubeysan lagu qaaday kolonyo katirsan ciidanka Kenya xilli ay ku socdaalayeen duleedka deegaanka Laamu ee xeebta dhaca.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in weerar hubeysan lagu qaaday kolonyo katirsan ciidanka Kenya xilli ay ku socdaalayeen duleedka deegaanka Laamu ee xeebta dhaca.

Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay wadada ugaleen ciidamo ku socdaalayay wadada waxaana halkaasi dhaawacyo culus kasoo gaareen sedax askari sida ay saraakiisha melleteriga Kenya sheegeen.

Dhinaca kale maxkamadda sare ee Kenya ayaa laashay qaar katirsan qaanuunka la dagaalanka waxa loogu yeero "Argagaxisadaā€¯ oo bishii December 2014 uu ansixiyay baarlamaanka Kenya.

Qodobadan ayaa awood dheeri ah u siinayay laamaha ammaanka iyo booliska in ay ciqaab adag marsiiyaan dadka looga shakiyo Argagaxisada oo loola jeedo dadka muslimiinta.


Guddoomiyaha maxkamadda Kenya George Odhunga ayaa sheegay in qodobada qaarkood wax laga bedelay sida in qofka argagaxisa looga shakiyo goob qarsoodi ah lagu heyn karo mudo sanad ah taasi bedelkeedna waa la ogolaaday in dadka jihaadka looga shakiyo muddo sagaashan maalmood ah xabsi lagu heyn karo iyada oo aan la maxkamadeyn.

intabadan axzaabta siyaasadda Kenya ayaa mucaaradsan faragelinta ciidanka Kenya ay ku sameeyeen Soomaaliya iyadoona xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay weeraro khasaara badan dhaliyay ka geysatay gudaha wadankaasi.

Related Items