Update:Ciidanka Puntland oo Meydadka Afar Askari Uga Cararay Duleedka Magaalada Boosaaso.

Monday January 05, 2015 - 11:28:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Update:Ciidanka Puntland oo Meydadka Afar Askari Uga Cararay Duleedka Magaalada Boosaaso.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee dhaca Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaanno dhaca duleedka magaalada Boosaaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee dhaca Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaanno dhaca duleedka magaalada Boosaaso.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada mujaahidiinta Al Shabaab ee buuraha Goolis ay weerar dhabagal ah u dhigeen ciidamo katirsan maamulka Puntland oo ay la socdaan saraakiil Caddaan Mareykan ah sida ay warar lagu kalsoonyahay sheegayaan.

Ilo wareedyo ayaa SomaliMeMo u sheegay in dagaalka ugu culus uu ka dhacay halka loo yaqaan (Karin Xagar-wade) oo ku dhaw deegaanka Galgala.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in meydadka 4 askari oo katirsan maamulka Puntland lagu arkay goobihii lagu dagaalamay iyadoona ciidamada mujaahidiintu ay la wareegeen dhammaan goobihii lagu dagaalamay.


Rasaas iyo madaafiic lays dhaafsanayay ayaa laga maqlayay goobaha lagu dagaalamay,wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaadka Puntland ay dib ugurasho ka sameeyeen jiidda dagaalka.

Related Items