4 Askari oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Degmada Afgooye Shabeelaha Hoose.

Monday January 05, 2015 - 15:21:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    4 Askari oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Degmada Afgooye Shabeelaha Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo is xigxigay oo xalay ka dhacay degmada Afgooye duleedka Muqdisho ee gobolka Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo is xigxigay oo xalay ka dhacay degmada Afgooye duleedka Muqdisho ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xalay fiidkii ayay xoogag hubeysan weerar ku qaadeen guri ay maandooriyaha khaatka ku cunayeen askar iyo saraakiil mooryaan ah oo DF-ka katirsan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in 4 askari oo dowladda Federaalka katirsan lagu dilay weerarkii xalay kaasi oo ka dhashay bambaano nuuca gacanta laga tuura ah.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Afgooye ugu magacaaban DF-ka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ay ka dhasheen weeraradii xalay Afgooye ka dhacay.

Related Items