Faah Faahin:Ciidamada Itoobiya oo Khasaara Lagu Gaarsiiyay Dagaallo Ka Dhacay Gobolka Bakool.

Monday January 05, 2015 - 15:25:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Ciidamada Itoobiya oo Khasaara Lagu Gaarsiiyay Dagaallo Ka Dhacay Gobolka Bakool.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale ka qarxeen degmooyin katirsan gobolkaasi oo ay ku suganyihiin ciidanka gumeysiga Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale ka qarxeen degmooyin katirsan gobolkaasi oo ay ku suganyihiin ciidanka gumeysiga Itoobiya.



Dagaallada ayaa yimid kadib markii ciidamada mujaahidiinta wilaayada islaamiga Bay iyo Bakool ay weeraro ku ekeeyeen saldhigyada ciidamada Itoobiya ee degmooyinka Waajid iyo Xudur.

Ciidamada muslimiintu waxay gudaha ugaleen waajid iyagoona ciidanka Itoobiya kula dagaalamay saldhigyo ay ka sameysteen xarunta degmada,garoonka diyaaradaha iyo agagaarka xarunta hay’adaha.

Dad ku sugan duleedka Waajid ayaa soo sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiicda iyo rasaas xooggan oo labada dhinac isdhaafsanayeen.



Sidoo kale ciidamad amujaahidiinta ayaa weeraro ku qaaday saldhigyada ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada xudur,ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalka ka hor madaafiic lagu garaacay saldhigyada ciidanka cadawga kadibna waxaa bilaawday dagaallo foo ka fool ah.

Ma ahan markii ugu horraysay oo ay dagaallo ka dhacaan gobolka Bakool,ciidamada mujaahidiinta oo ay barbar taaganyihiin qabaa’illada ansaarta ah ayaa halgan dhiig bixin ah ku haya cadawga itoobiya.

Related Items