MARKA AY NOOL YIHIIN WAA CIIDAMMO MARKII LA LAAYANA WAA SHACAB!!!

Tuesday January 06, 2015 - 00:01:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 40
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MARKA AY NOOL YIHIIN WAA CIIDAMMO MARKII LA LAAYANA WAA SHACAB!!!

    بسم الله الرحمن الرحيم وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

بسم الله الرحمن الرحيم وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين



Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

Cabdullaahi Maxamed Xirsi, looguna yeeri jiray Salaan Carrabey ayaa gabay uu tiriyey qarnigii hore waxa mirihiisa kamid ahaa:

Xeerbeegti murantaa gartay, xeelli hadashaaye,

Afku wuxuu la xoog yhahy magliga xawda kaa jara’e

Xaasha’e nin libin kaa xistiyey, xumihii waa yaabe.



Tuducyan yar oo muujinaysa in hadal aan macno ku fadhiyin, beenna u badan uusan ninka ragga ah waxba yeeli karin, in la xasdo mooyee. Gabaygan iyo cinwaanka maqaalkaba waxa aan u soo qaatay, caqli xumo iyo been-been dhaaftay oo afkooda laga kari waayey qolada dawladda sheegata, Taankiga calooshood u shaqaystayaashana saaran, sida geed geed kale ka baxay ama geed saar oo kale ah. Qoladaasi waa qolo caadeysatay been aan, runtii, ahayn mid maskax iyo xirfad ku dhisan. Beentaasi waxa ay gaadhay in ay inkiraan ciidammadooda marka laga laayo, ama goobaha ay saldhigyada ka dhigtaan la weeraro. Waa kuwo ku hadaaqa, marka dhib gaaro in ay yiraahdaan waxa la laayey waa dad shacab ah, iyada oo cid waliba og tahay in meelaha ay qurunka iyo xaaraanta ku haystaan aan shacab imaan karin, soona haweysan karin.

Sida la wada ogsoon yahayba rugaha ama goobaha ciidammadu ma aha mid dad rayid ah loo oggol yahay ama ay suuurtagal tahay in ay galaan, mana jirto wax dan ah oo ay ka raadsanayaan, dadkuna waa og yihiin meelaahasi in ay yihiin meelo yool ah, weerarna saaran yahay saacad walba.

Beenaha ay sheegaan waxa kamid ah:-

1.waxa weerar lagu qaaday xarunta ciidammada amniga ama nabadsugidda, waxa uuna ahaa mid fashilmay, waxaana ku waxyeeloobay, dhawr qof oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay laba ama hal askari. Dadka shacabka ah ee geeriyooday waxa ku jiray Islaan shaah meesha ku gadanaysay iyo laba islaamood oo ahaa dadka tuugsada(baryootama).

2.Wararka beenta ah oo ay fidiyaan waxa kale oo kamid ah, qolada nabad-diidka ayaa weeraray xarumaha ciidammada nabad ilaalinta ee AMISOM, waxaana ku waxyeeloobay dad shacab ah oo baaris caafimaad u joogay Isbitaalka ciidammada nabad ilaalintu gacanta ku hayaan.

3.Qof naftiisa halaagaya ayaa weerar ku soo qaaday ciidammada qaranka oo socdaal ku jiray, iyaga oo ammaanka sugaya, waxaana soo dhex galay gaari laga soo buuxshay waxyaalaha qarxa, waxa uuna ahaa mid ay fashiliyeen ciidammadu, waxaana ku waxyeeloobay gaari rakaab ah oo dad shacab ahi saarnaayeen, waxaana ku dhintay tiro dhawr shacab ah, waxaana dhaawac ka soo gaaray laba askari oo ciidammada amniga ka tirsan.

4.Waxa weerar lagu qaaday xaruntii Xalane ee ay fadhiyeeyn ciidammada dalka Gumeysiga ku haya, waxa ay weriyeen in ay ku dhinteen dad shacab ah, iyada oo la ogyahay in aan xerada Xalane shacab iyo kuwa dawladda sheeganayaa midna geli karin in dan laga leeyahay, oo meesha la geeyo mooyee.

Haddaba su’aasha la is-weydiin karaa waxa ay tahay marka ciidammadoodu nool yihiin ma ciidanbaa, markii la laayanna ma dad rayid ah baa?

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa dhawr maahmaahood oo ku saabsan beenta iyo sida beenlowgu mar walba u fashilmo, xataa haddii uu yahay mid xeelada iyo farsamoba badan. Soomaalidu waxa ya ku maahmaahdaa ”Beenloowoow xusuustaadu ha badnaato”, waayo haddii aad been badan tahay, ilowshiinyona ku darsato waxa laga yaabaa in aad adigu is beeniso, sidaa darteed beentii aad sheegtay ahow mid xusuusta. Waxa kale oo Soomaalidu tiraahda ”Been sheegoo, been run u ’eg sheeg”.

Arriimaha kale ee dhegaha dadka kusoo dhaca waxa kamid ah, haddii la weeraro kuwa Soomaaliga ku hadla ee darbiga u ah calooshood u shaqaystayaasha iyo calooshood u shaqaystaashaba, waxna laga laayo, waxa markiiba soo boodaya mid af-Soomaali ku hadlaya isaga oo beeninaya in wax laga laayey kuwa gumeysiga ah, wuxuuna sheegaa in kuwa Soomaalida ah dhawr laga dilay ama laga dhaawacay, laakiin uu geerida kala leexanayo kuwa uu darbiga u yahay ee dalka ku soo duulay.

Laba nin oo Soomaali ah, beenna lagu xanto ayaa mid kamid ahi kii kale ku yiri:- "been sheeg aan run u’ ekeysiiyee ama been aan sheego oo run u’ ekeysii”. Kii kale ayaa yiri been ayaan sheegayaaye run u’ ekeysii adigu. Mid kamid ah raggii ayaa soo booday oo yiri:- "nin ayaa inta uu qori qaatay Sakaaro ama Sagaaro, ninba sida uu u yaqaan, addinka dambe iyo dheg xabbad wada qabadsiiyey”. Markii uu intaas yiri, ayaa dadkii dhegeysanayey waxa ay ku jawaabeen "war beenta nagadaa addinka dambe iyo dhegta Sagaaradu isma soo gaari karaan, ninna xabbad kuma wada dhufan karee”. Kii dambe ee lagu ballamay in uu beenta run ka dhigo ayaa soo booday oo yiri:- "oo billaa xoqnaysay”, waayo Ariga iyo Sagaaraduba raafka dambe ayey ku xoqdaan, sidaa darteed waa suuragal in iyada oo xoqanaysa dhegta ay xabbadda la kulanto.

Haddaba waxa aad loola yaabo weeye in been intaa le’eg nidaam laga dhigto, dad badanina run moodaan, oo sida carruurtii la hadaaqaan, haddii aan qofku Alle(swt) ka xishoon waayana cid kale oo uu ka xishoonayaa ma jirto. Hadda iyo dan dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed afka ha ku laynina marka idinka iyo gumeystaha aad la joogtaanba la laayo.

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare(Abu-Cabduraxmaan)

Related Items