Sarkaal Katirsanaa Sirdoonka DF-ka oo Duleedka Muqdisho Lagu Dilay.

Tuesday January 06, 2015 - 10:28:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Sirdoonka DF-ka oo Duleedka Muqdisho Lagu Dilay.

    Wararka ka imaanaya ka imaanaya deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay toogteen sarkaal katirsanaa ciidanka Nabad sugidda DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya ka imaanaya deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay toogteen sarkaal katirsanaa ciidanka Nabad sugidda DF-ka.



Xalay fiidkii ayaa sarkaalka loogu dhacay guri uu ka deganaa duleedka Muqdisho iyadoona ay baxsadeen xoogagii weerarka fuliyay.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in rag wajiyada soo xirtay ay weerarka fuliyeen,sarkaalka ayaa guriga xoog loogasoo saaray daqiiqado kadibna banaanka guriga ayaa lagu toogtay sida ay sheegeen dad daris lahaa guriga sarkaalka lagu dilay.

Deegaanada Garasbaaley iyo Ceelasha Biyaha bilihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal qorshaysan oo ka dhan ah askarta iyo saraakiisha DF-ka ah ee shisheeyaha soo duulay la shaqeeya.

Related Items