Dhageyso:Jawaasiis la Shaqeynayay Mareykanka iyo Itoobiya oo Lagu toogtay Degmada Baardheere Gobolka Gedo.

Tuesday January 06, 2015 - 19:13:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Jawaasiis la Shaqeynayay Mareykanka iyo Itoobiya oo Lagu toogtay Degmada Baardheere Gobolka Gedo.

    Maxkamadda islaamiga wilaayada Gedo ayaa xukun dil ah ku fulisay Kooxo Jawaasiis Soomaali ah oo wada shaqeyn lalahaa dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda islaamiga wilaayada Gedo ayaa xukun dil ah ku fulisay Kooxo Jawaasiis Soomaali ah oo wada shaqeyn lalahaa dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya.



Fagaaraha weyn ee magaalada Baardheere ayaa galabta lagu dilay illaa iyo 4 ruux oo lagu helay in ay u basaasayeen sirdoonnada Mareykanka iyo Itoobiya ayna maleegayeen shirqoollo ka dhan ah shacabka Muslimiinta Soomaaliyeed.

Jawaasiista xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa ukala shaqeynayay Mareykanka,Itoobiya iyo dowladda Federaalka,qaaddiga maxkamadda xukunka ridday ayaa fagaaraha Baardheere ka sheegay in Ragga jawaasiista ah ee galabta ladilay ay kamid ahaayeen laba Nin oo toos ula shaqeynayay CIA-da Mareykanka.



Mid kamida ayaa fududeeyay dilka Sarkaal xarakada Shabaabul Mujaahidiin katirsanaa oo lagu magacaabi jiray Sahal Camuu halka midka kale uu hagayay howlgalkii fashilmay ee 5,October,2014 ka dhacay magaalada Baraawe xilligaas oo ciidanka Mareykanka ay dhulka kusoo degeen ayna isku dayeen in ay dilaan ama wataan sarkaal mujaahid ah.

Sidoo kale Jaasuus u shaqeynayay sirdoonka Itoobiya ayaa fagaaraha Baardheere lagu dilay,qaadiga maxkamada wuxuu sheegay in mujaahidiintu ay gacanta ku dhigeen Nin kale oo DF-ka ay Muqdisho kasoo dirtay si uu xog uga keeno raggii fuliyay weerarkii Westgate balse ciidamada Al Shabaab ayaa gacanta ku dhigay isagoo ku sugan degmada Doonsoor oo aan qaban shaqadii jaasuusnimo ee loo dirsaday.

Halkan ka dhageyso Waaiga Gedo MP3
Halkan ka dhageyso Qaadiga Maxkamadda MP3

Related Items