Ku Dhawaad 30 Askari oo Maamulka Puntland Looga Dilay Dagaallo Ka Socda Duleedka Deegaanka Galgala.

Wednesday January 07, 2015 - 13:26:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku Dhawaad 30 Askari oo Maamulka Puntland Looga Dilay Dagaallo Ka Socda Duleedka Deegaanka Galgala.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus maalintii 3-aad ka dhaceen deegaanno dhaca duleedka magaalada Boosaaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus maalintii 3-aad ka dhaceen deegaanno dhaca duleedka magaalada Boosaaso.

Dagaallada oo ah kuwa xariir ah ayaa yimid kadib markii ciidamada shabaabul Mujaahidiin ee buuraha goolis ay weeraro rogaal celis ah ku qaadeen ciidamada maamulka Puntland oo ay kaabayaan saraakiil Mareykan ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaal shalay ka dhacay halka loo yaqaan Karin Xagar-wade. Lagu dilay 25 katirsan ciidanka maamulka Puntland,warar lagu kalsoonyahay ayaa SomaliMeMo u sheegay in sedax diyaaradaha dagaalka ah ay ku degaan dhulka howdka ah ee lagu dagaalamayo halkaasi oo ay kasoo daabuleen meydad iyo dhaawacyo.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerar dhabagal ah maanta duhurkii ciidanka maamulka Puntland lagula eegtay deegaanka Galgala laba gaari looga gubay,dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada mujaahidiintu ay cadawga weerarka ku kediyeen iyagoo meel aanay filayn ugasoo qaaday weerarka

Lasoco wixii soo kordha

Related Items