36 qof oo Ku Dhimatay Qarax Lala Eegtay Xarunta Booliska Magaalada Sanca.

Wednesday January 07, 2015 - 13:24:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    36 qof oo Ku Dhimatay Qarax Lala Eegtay Xarunta Booliska Magaalada Sanca.

    Ku dhawaad 40 qof ayaa geeriyootay 30 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii qarax xooggan lala eegtay akaadeemiyada booliska magaalada Sanca ee wadanka Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhawaad 40 qof ayaa geeriyootay 30 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii qarax xooggan lala eegtay akaadeemiyada booliska magaalada Sanca ee wadanka Yemen.

Wararka Yemen ka imaanaya waxay sheegayaan in gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay ruux naftiis hure ah uu ku qarxay albaaba hore ee xarunta Booliska oo xilligaasi ay safaf dhaadheer ugu jireen dad doonayay in ciidanka booliska ku biiraan.

Wakaaladaha warar ayaa baahiyay in qaraxa lala helay goob ay maleeshiyaad xuuthiyiinta ku qaabilayeen dhalinyaro la ciidamayn rabay si ay qeyb uga noqdaan mashruuca fidinta awoodda shiicada ee wadanka Yemen.


Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah ayaa bilihii lasoo dhaafay waday gummaad ka dhan ah Maleeshiyaadka shiicada wakiillada Iiraan oo qabsaday intabadan magaalooyinka wadanka Yemen iyadoona hoggaamiyaasha Al Qaacidada Jaziiradda Carabta ay ku hanjabeen in ay dili doonaan cid walba oo gacan saar laleh xuuthiyiinta ku caanbaxay gummaadka muslimiinta Yemen.

Related Items