Faah Faahin:Dagaallo Gaadiid Looga Gubay Ciidamada Xabashida Itoobiya iyo Kenya oo Ka Dhacay Duleedyada Kismaayo iyo Beled Weyne.

Wednesday January 07, 2015 - 16:06:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Dagaallo Gaadiid Looga Gubay Ciidamada Xabashida Itoobiya iyo Kenya oo Ka Dhacay Duleedyada Kismaayo iyo Beled Weyne.

    Ciidamada mujaahidiinta Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro culus ku qaaday ciidamada shisheeyaha Afrikaanta ee duullaanka kusoo qaaday wilaayaadka islaamiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada mujaahidiinta Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro culus ku qaaday ciidamada shisheeyaha Afrikaanta ee duullaanka kusoo qaaday wilaayaadka islaamiga ah.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka qarxeen deegaanka Luuq Jeeloow oo dhaca duleedka galbeed ee magaalada Beled Weyne.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada muslimiintu ay weerar ku qaadeen kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo dhanka Beled weyne u gelbinayay gaadiid raashin u wada shisheeyaha.

Wariye Nuur Cali Warsame oo Hiiraan ku sugan ayaa soo sheegay in dagaal muddo saacada ah socday kadib ciidanka Itoobiya ay ka ruqaansadeen Luuq Jeelow.


Warar madax banaan waxay sheegayaan in laba gaari oo nuuca Uuraalka loo yaqaan ah ciidamada Xabashida itoobiya waxyeello xooggan looga gaarsiiyay dagaalka.

Itoobiyaanka dagaalku ku qabsaday duleedka Beled Weyne ayaa maalmo ka hor degmada Buula Burde kasoo gelbiyay gaadiid saad ciidan usida dhanka Beled Weyne iyo Guriceel.

Dhinaca kale ciidamada mujaahidiinta wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa weerar dhabagal ah u dhigay ciidamo Kenyaan ah oo kasoo ambabaxay magaalada Kismaayo kunasii jeeday deegaanka Buula Guduud.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay laba gaari ka gubeen ciidanka Kenya oo ugu dambeyntii dib ugu laabtay dhanka magaalada Kismaayo.

Related Items