Dowladda Uganda oo Sheegtay in Ku Dhawaad 10 Askari Looga Dilay Weerarkii Xerada Xalane Ka Dhacay.

Thursday January 08, 2015 - 12:16:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Uganda oo Sheegtay in Ku Dhawaad 10 Askari Looga Dilay Weerarkii Xerada Xalane Ka Dhacay.

    Weerarkii ciidamda gaarka ah ee shabaabul Mujaahidiin ay bishii lasoo dhaafay ku qaadeen saldhigga melleteriga Xalane ee magaalada Muqdisho oo ah xarunta ugu weyn ee soo duulayaasha AMISOM Soomaaliya uga suganyihiin ayay khasaaraha ka dhashay sii kor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerarkii ciidamda gaarka ah ee shabaabul Mujaahidiin ay bishii lasoo dhaafay ku qaadeen saldhigga melleteriga Xalane ee magaalada Muqdisho oo ah xarunta ugu weyn ee soo duulayaasha AMISOM Soomaaliya uga suganyihiin ayay khasaaraha ka dhashay sii kordhayaan.



Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in ku dhawaad 25 askar iyo saraakiil ah oo caddaan kamid yihiin ay ku dishay weerarka balse saraakiisha beenaalayaasha AMISOM ee Muqdisho ku sugan ayaa yareeyay khasaaha kasoo gaaray weerarka.

Haddii warbaahinta Soomaalida laga qariyay khasaaraha AMISOM gaaray waxayna ka qarsoomeyn guryaha askarta la laayay ay ku leeyihiin wadamada Uganda iyo Burundi.

Dowladda Uganda ayaa qirtay in ku dhawaad 10 askari oo mid kamida Jeneraal sare ahaa looga dilay weerarkii mujaahidiinta Al Shabaab ka fuliyeen xerada Xalane.



Wasiirka gaashaandhigga Uganda Crispus Kiyongo ayaa magaalada Kampala ka sheegay in 8 askari ay ku waayeen weerarkii Muqdisho isagoona ururka midowga Afrika ku eedeeyay in aysan bixin magadhaw ku aaddan askarta laga dilay.

"Somalia waxaa nooga dhintay ciidammo badan oo ay mid yihiin sideeddii askari ee lagu dilay weerarkii Xalane ay ku qaadday Al-shabaab oo dhacay 25-kii December, 2014-kii. Welina wax mag-dhow ah kama aanan helin,” ayuu yiri Kiyongo.

Uganda waxay qirtay in Q.Midoobe ay diiday bixinta lacaga malaayiin dollar ah oo Uganda ay ku weysay duullaankeeda Soomaalida iyo sida diyaarado dagaal oo ka burburay iyo askar laga dilay.

Dagaalka dhiigbixinta ah ee xoogaga Shabaabul Mujaahidiin kula jiraan kumanaan askar Afrikaan ah oo Soomaaliya kusoo duulay ayaa saameyn xun ku reebay dowladaha bariga afrika ee dagaal wakaaladeedka ka dhanka ah muslimiinta uga soomaaliya.

Related Items