Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Galgala Ee Duleedka Boosaaso.

Thursday January 08, 2015 - 18:50:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Galgala Ee Duleedka Boosaaso.

    Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ku dhaxmareen ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka maamulka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ku dhaxmareen ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka maamulka Puntland.

Dagaalka ayaa ka dhacay gudaha deegaanka Galgala oo Cabdi Wali Gaas maalmo ka hor sheegay in ciidankiisu ay ka qabsadeen xoogaga mujaahidiinta buuraha Goolis.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa SomaliMeMo u sheegay in mid kamida gaadiidka tiknikada loo yaqaan laga gubay maamulka Puntland kadib markii lala helay saaruukh Baasuuke.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xilligii uu dagaalku dhacayay ay saraakiisha Puntland ay koox wariyaal ah geeyeen Galgala si ay guulo u sheegtaan balse dagaalkii maanta ayaa banaanka soo dhigay sheegashadii beeenta aheyd ee maamulka Garoowe.


5-tii maalmood ee lasoo dhaafay dagaallo qaraar ayaa labada dhinac ku dhaxmarayay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka Puntland oo ay taageerayaan saraakiil caddaaan ah.

Related Items