Sh.Abuu Cabdalla "Mujaahidiintu Waxay Gacanta Ku Dhigeen Doon Ciidamo iyo Khaat u sidday Magaalada Baraawe" Dhageyso.

Saturday January 10, 2015 - 20:59:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sh.Abuu Cabdalla "Mujaahidiintu Waxay Gacanta Ku Dhigeen Doon Ciidamo iyo Khaat u sidday Magaalada Baraawe" Dhageyso.

    Sheekh Muxamad Abuu Cabdallaah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay howlgallo ay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen barriga iyo badda wilaayadaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Badda Xarakada Al Shabaab oo Howlgal ka wada Badweynta Hindiya Soomaaliya
Sheekh Muxamad Abuu Cabdallaah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay howlgallo ay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen barriga iyo badda wilaayadaasi

Sheekha ayaa ugu horeyn sheegay in ciidamada Badd ee mujaahidiinta ay  gacanta ku dhigeen dooni ay saarnaayeen ciidamada dowladda Federaalka katirsan  oo maandooriyaha khaatka usidday dhanka degmada Baraawe.

Doonidan oo qaad kasoo qaaday magaalada Muqdisho ayuu waaligu sheegay in iyada iyo dadkii saarnaaba lagu qabtay inta u dhaxaysa magaalooyinka Marko iyo Baraawe, isagoo sheegay in shareecada islaamka la hor geyn doono doontay oo hadda ka hor isku dayday in ay la dagaalanto ciidanka Badda shabaabul Mujaahidiin.



"Mujaahidiintu howlgal gaar ah oo badda laysku ceyrsaday kadib ayay gacanta kusoo dhigeen doon ciidamo murtadiin ah la socdeen oo khaat u wadday magaalada Baraawe"ayuu yiri Abuu Cabdalla

Sidoo kale waaliga ayaa ka war bixiyay ciidamo dowladda ka tirsan oo shalay isku soo dhiibay iyaga oo wata gaari weyn oo uu ku rakiban yahay qori lidka dayuuradaha ahi.

Wuxuu faah faahin ka bixiyay khasaarihii ka dhashay weerar dhabba gal ah oo ay mujaahidiintu u dhigeen ciidamo dowladda ka tirsan oo soo daba galay gaari weyn ee lala soo goostay, wuxuu sheegay in khasaare culus la gaarsiiyay askartaas kadib markii gaari Cabdi bile ah oo rasaas ku socotay uu la rogmaday.

Halkan ka degso Download MP3
Isha Maqalka:idaacadda Alfurqaan

Related Items