Wasiirada IGAD oo Muqdisho Lagu Duqeeyay iyo Al Shabaab oo sheegatay.

Saturday January 10, 2015 - 12:10:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirada IGAD oo Muqdisho Lagu Duqeeyay iyo Al Shabaab oo sheegatay.

    Ugu yaraan 5 madfac ayaa ku hoobatay hoteel ku yaalla agagaarka madaxtooyada Villa Somalia Ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 5 madfac ayaa ku hoobatay hoteel ku yaalla agagaarka madaxtooyada Villa Somalia Ee Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa SomaliMemo Usheegay in ay Maqlayeen Jugta Madaafiicda Ku hoobanaysa Hotel Lagu Magacaabo SYL oo amaankiisa si aad ah loo Adkeeyay.

Lama oga halka madaafiicda lagasoo ridayo waxaan xusid mudan in hoteelka ay kushirsan yihiin wasiirada arimaha dibada IGAD isku magacaabay Kuwaas oo ciidamadooda duulaan ay kujoogaan soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mid kamida madaafiicda uu ku dhacay guriga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka.


Dhinaca kale xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay in ay beegsatay xarunta ay ku shirsanyihiin wasiirada IGAD,sarkaal katirsan Al Shabaab oo warbaahinta islaamiga ah lahadlay ayaa sheegay in ay weerarkan fuliyeen ayna dib kasoo gudbin doonaan khasaaraha ka dhashay.



Related Items