Maleeshiyaad Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Jubbada Hoose.

Saturday January 10, 2015 - 20:54:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Jubbada Hoose.

    Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax xooggan caawa fiidkii laga maqlay xaafadda Guul wade oo kamid ah xaafadaha magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax xooggan caawa fiidkii laga maqlay xaafadda Guul wade oo kamid ah xaafadaha magaaladaasi.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu qabsaday gaari nuuca dagaalka ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka Axmed Madoobe gaar ahaan kuwa "PS-ta loo yaqaanā€¯.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu burburay gaariga qaraxu haleelay,dhimashada sedax askari ayaa illaa iyo hadda la hubaa iyadoona ay jiraan dhaawacyo gaaray ciidan kale oo gaariga la beegsaday la socday.

Magaalada Kismaayo oo ay xoog ku joogaan ciidamo Kenyaanti ah iyo maleeshiyaad dabadhilifyo Soomaali ah ayuu ammaanku faraha kasii baxayaa waxaana magaalada joogta ka ah qaraxyada iyo dilalka cadawga ka dhanka ah.

Related Items