Dagaallo Khasaaraha Dhaliyay oo Ka Dhacay Gudaha Magaalada Boosaaso.

Sunday January 11, 2015 - 10:15:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dagaallo Khasaaraha Dhaliyay oo Ka Dhacay Gudaha Magaalada Boosaaso.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee waqooyi bari Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay ka dhaceen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee waqooyi bari Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay ka dhaceen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi.

Ciidamo katirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weeraro ku ekeeyay saldhigga weyn ee magaalada iyo koontaroollo kuyaal gudaha magaalada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay fiidkii ay maqlayeen daryanka rasaasta iyo madaafiicda garbaha laga gemo oo gudaha magaalada laysku weydaarsanayay.

Saraakiisha maamulka Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa qiray in 4 askari oo booliska katirsan ay uga dhaawacmeen weerarkii xalay.


Warar madax banaan ayaa sheegaya in ciidanka mujaahidiinta ee weerarka qaaday ay si nabad gelya ah uga dhaqaaqeen xaafado Boosaaso katirsan kadib markii uu dagaalku soo idlaaday.

Weerarka Boosaaso ka dhacay ayaa meesha ka saaraya sheegashadii Cabdi Wali Gaas ee aheyd in ay soo afjareen awooddii xoogaga mujaahidiinta Buuraha Goolis.

Related Items