Weeraro Naf-hurnimo oo Wadanka Lubnaan Lagula Eegtay Maleeshiyaad Shiico Ah,Jabhadda Al Nusrah oo Sheegatay.

Sunday January 11, 2015 - 11:07:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Naf-hurnimo oo Wadanka Lubnaan Lagula Eegtay Maleeshiyaad Shiico Ah,Jabhadda Al Nusrah oo Sheegatay.

    Wararka ka imaanaya wadanka Lubnaan ayaa sheegaya in tobaneeyo katirsan ciidamada xukuumadda Dabadhilifka Lubnaan iyo maleeshiyaadka shiicada ah lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda 2-aad ee wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabhadda Al Nusrah waa Garabka Al Qaacidda Ee Shaam waxayna awood ku leedahay Suuriya iyo Lubnaan.
Wararka ka imaanaya wadanka Lubnaan ayaa sheegaya in tobaneeyo katirsan ciidamada xukuumadda Dabadhilifka Lubnaan iyo maleeshiyaadka shiicada ah lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda 2-aad ee wadankaasi.

Laba qarax oo is xigxigay ayaa lala helay saldhigyo ciidan oo kuyaal deegaanka Jabalu Muxsin ee bartamaha magaalada Daraabulis halkaasi oo muslimiinta sunniga ah ay kula dagaalamayaan maleeshiyaadka shiicada iyo ciidanka xukuumadda Lubnaan.

ilo waredyo ayaa sheegaya in 11 askari oo xukuumadda Lubnaan katirsan iyo 7 maleeshiyaadka Ururka Xisbullah isku magacaabay ah ay ku dhinteen weerarka oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Jamaacada Jihaadiga Jabhadda Al Nusrah ee Suuriya iyo Lubnaan ka dagaalanta.


Wadanka Lubnaan ammaanka ayaa faraha kasii baxayay bilihii lasoo dhaafay kadib markii maleeshiyaad Shiico ah ay dagaal ku iclaamiyeen muslimiinta sunniga ah islamarkaana ay si toos ah uga qeyb qaateen dagaalka Suuriya ka holcaya.

Related Items