Akhriso:Ciidamada Mujaahidiinta oo Saacadihii Lasoo Dhaafay Shisheeyaha Kula Dagaalamay 4 Gobol Oo Dhaca Koonfurta Dalka.

Sunday January 11, 2015 - 11:38:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:Ciidamada Mujaahidiinta oo Saacadihii Lasoo Dhaafay Shisheeyaha Kula Dagaalamay 4 Gobol Oo Dhaca Koonfurta Dalka.

    Ciidamada muslimiinta Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay dagaallo culus ku qaaday gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya oo ay duullaan gaaleed kusoo qaadeen ciidamo Afrikaan calooshood u shaqeystayaal ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada muslimiinta Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay dagaallo culus ku qaaday gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya oo ay duullaan gaaleed kusoo qaadeen ciidamo Afrikaan calooshood u shaqeystayaal ah.

Wararka ka imaanaya deegaanka Arbacoow ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saldhig ciidamada shisheeyaha AMISOM ku leeyihiin deegaankaasi xalay fiidkii weeraro lagu ekeeyay.

Sidoo kale ciidamo katirsan mujaahidiinta Soomaaliya ayaa weeraray saldhigyada AMISOM iyo ciidanka DF-ka ku leeyihiin degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa.

Dhinaca kale dagaallo culus ayaa lagasoo sheegayaa deegaanada Goof-guduud Shabeeloow iyo Buur dhuxulle oo katirsan Bay iyo Bakool,ciidamada mujaahidiinta ayaa wadada ugalay kolonyo gaadiid Itoobiyaan ah oo marayay meel Buur dhuxlle ku dhaw sidoo kale ciidamada mujaahidiinta ayaa dagaal muddo ku dhaw saacad qaatay lagalay gumeystaha Itoobiya ee saldhiyada ku leh deegaanka Goofguduud.


Dagaallo kale waxay ka dhaceen tuulada Buula Guduud oo qiyaastii 30 KM ujirta magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose ciidamada mujaahidiinta wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa weeraro ku ekeeyay xarumaha ciidamada gumeysiga Kenya.

Related Items