Dhageyso:Bashiir Axmed Salaad oo Cambaareeyay Weerarkii Nabiga Loogu Aarguday ee Faransiiska Ka Dhacay.

Thursday January 15, 2015 - 12:40:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 30
  • 4 1
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Bashiir Axmed Salaad oo Cambaareeyay Weerarkii Nabiga Loogu Aarguday ee Faransiiska Ka Dhacay.

    Hoggaamiyaha Wadaada Xumayaasha Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay weerarkii Khasaaraha badan dhaliyay ee isbuuc ka hor ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Wadaada Xumayaasha Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay weerarkii Khasaaraha badan dhaliyay ee isbuuc ka hor ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Bashiir Axmed Salaad ayaa wareysi uu siiyay idaacad laga dhageysto magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda wuxuu uga hadlay weerarkii lagu qaaday xarunta wargeyska Faransiiska ee Sharlie Ebdo kaasi oo ku caanbaxay caayda Nabigeena Muxamed صلى الله عليه وسلم.

Wuxuu Cambaareeyay Weerarkii Mujaahidiinta Al Qaacidda Jaziiradda Carabta ay dadka faransiiska ee Nabiga caayay ku dileen wuxuuna ku tilmaamay waddo aan sax aheyn.


Bashiir Axmed Salaad ayaa carrabka ku adkeeyay in dilkii lagula kacay saxafiyiintii Nabiga صلى الله عليه وسلم Caayay aan la dhihi Karin waa aargud!wuxuu muujiyay sida uu ugasoo horjeedo weerarada kaligii duulnimo ee muslimiintu ku dilayaan kuwa ku xadgudbaya sharafta Nabiga.

Hoggaamiyaha wadaada xumayaasha Soomaaliya wax tacsi ah uma dirin Faranso Holland oo ku aaddan dadkii laga dilay balse wuxuu caddeeyay mowqifkiisa ah in aanu qabin in ladilo saxafiyiinta sawirada aflagaadeynta ah ka sameeyay Nabigeena Muxamed صلى الله عليه وسلم.

Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi iyo hoggaamiyaha Azhar ee Masar ayaa horay u cambaareeyay weerarka loogu aargudayo Nabiga,Maxamuud Cabaas Abuu Maazin madaxweyne ku sheegga Filasdiin iyo Benyamiin Netenyaahu R/wasaaraha Yahuudda ayaa fal argagaxiso ku tilmaamay weerarkii Sharlie Ebdo balse waxaa la yaab leh in Ururka Ictisaam oo kajira dal dadkiisu 100% muslimiin yihiin uu cambaareeyo Weerar loogu aargudayo .خير خلق الله

Halkan ka degso Cambaareynta Bashiir Salaad ee Weerarkii Paris MP3

Related Items