Iska Hor'imaado Ka Dhacay Degmooyinka Yaaqshiid,Huriwaa iyo Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Oo Babaaday.

Sunday June 01, 2014 - 09:48:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska Hor'imaado Ka Dhacay Degmooyinka Yaaqshiid,Huriwaa iyo Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Oo Babaaday.

    Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii weeraro xooggan ku qaaday saldhigyada ciidamada shisheeye ku leeyihiin xaafado katirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii weeraro xooggan ku qaaday saldhigyada ciidamada shisheeye ku leeyihiin xaafado katirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa. Goob joogayaal ayaa sheegay in weerar lagu qaaday saldhigga ciidanka Dowladda Federaalka ku leeyihiin halka loo yaqaan S Company.

Rasaas xooggan oo ay dhinacyadu isdhaafsanayeen ayaa laga maqlayay xaafadda Suuqa Xoolaha,sidoo kale weerar muddo ku dhaw hal saac socday ayaa xalay ka dhacay saldhigga ciidamada shisheeye ku leeyihiin warshaddii hore ee Barafuunka.

Dhinac qarax ayaa xalay fiidkii laweerar guri guddoomiyaha degmada Kaaraan,ilo wareedyo ayaa sheegaya in Bambaano gacanta laga tuuray guriga guddoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan balse lamasoo sheegin khasaara weerarkaasi ka dhashay.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]

Related Items