6 Askari Itoobiyaan ah oo lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Dhuusamareeb iyo Weerar Ka Dhacay Deegaanka Leego.

Thursday January 22, 2015 - 14:18:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    6 Askari Itoobiyaan ah oo lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Dhuusamareeb iyo Weerar Ka Dhacay Deegaanka Leego.

    Warar faah faahsan ayaa kasoo baxay dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay deegaanno katirsan gobolka Galguduud ku dhaxmaray ciidamada muslimiinta iyo shisheeyaha Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Al Shabaab ayaa Soomaaliya kula halgamaya ku dhawaan 100-kun Askar afrikaan shisheeye ah
Warar faah faahsan ayaa kasoo baxay dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay deegaanno katirsan gobolka Galguduud ku dhaxmaray ciidamada muslimiinta iyo shisheeyaha Itoobiya.

Dagaal maanta barqadii ka dhacay deegaanka Bulacle ee duleedka Dhuusamareeb ayaa gallaaftay nolosha 6 askari oo katirsanaa melleteriga ciidamada Xabashida Itoobiya.

Sarkaal katirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankoodu ay dileen ku dhawaad 10 askari ayna waxyeello gaarsiiyeen gaadiid ay wateen ciidanka Itoobiya.

Waa Maalintii 2-aad oo si xiriir ah ay dagaallo uga socdaan inta u dhaxaysa degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.


Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen saraakiil DF-ka katirsan oo ku socdaalayay wadada laamiga ah ee xiriirisa deegaanada Yaaqbari weyne iyo Leego.

Related Items