Mas'uu Katirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir oo Lagu Dilay Degmada Yaaqshiid Muqdisho.

Saturday January 24, 2015 - 17:13:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uu Katirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir oo Lagu Dilay Degmada Yaaqshiid Muqdisho.

    Xilli ammaanka magaalada Muqdisho la adkeeyay ayay dilalka ka dhanka ah saraakiisha Dowladda Federaalka kasii socdaan xaafado kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli ammaanka magaalada Muqdisho la adkeeyay ayay dilalka ka dhanka ah saraakiisha Dowladda Federaalka kasii socdaan xaafado kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Xoogag hubeysan ayaa maanta duhurkii degmada Yaaqshiid ku dilay guddoomiye waaxeed katirsanaa maamulka gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ladilay Cabadullaahi Faraweyne xilli uu ku sugnaa xaafadda Towfiiq ee isla degmada Yaaqshiid,sarkaalka ladilay ayaa maamulka gobolka Banaadir uqaabilsanaa xaafado katirsan degmada Yaaqshiid.

Dilka ayaa ka dhacay xaafada Towfiiq oo katirsan xaafadaha ugu caansan degmada Yaaqshiid illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin DF-ka oo ku saabsan dilka Faraweyne.

Related Items