Maxkamadda Kenya oo Mamnuucday Qaar Kamid ah Qodobada la dagaalanka Argagaxisada.

Sunday January 25, 2015 - 11:10:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Kenya oo Mamnuucday Qaar Kamid ah Qodobada la dagaalanka Argagaxisada.

    Xukuumadda Uhuru Kenyatta ee dalka Kenya ayaa wali isku khilaafsan xeerka loo magaca daray la dagaalanka Argagaxisada kaasi oo bulshada Kenya dhaxdeeda murun xooggan ka dhaliyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Uhuru Kenyatta ee dalka Kenya ayaa wali isku khilaafsan xeerka loo magaca daray la dagaalanka Argagaxisada kaasi oo bulshada Kenya dhaxdeeda murun xooggan ka dhaliyay.

Maxkamadda sare ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ayaa laashay illaa 8 qodob oo kamid ah xeerka ladagaalanka Argagaxisada oo baarlamaanka Kenya horay isugu khilaafay.

Qodobada ladiiday waxaa kamid ah in laamaha ammaanka ay fasax la’aan dhegaysan karaan taleefannada dadka looga shakisanyahay ku lug lahaashiyaha jihaadka soomaaliya.

Guddoomiyaha maxkamadda daaquudka Kenya ayaa sheegay in taleefanada oo la dhageysto ay xadgudub ku tahay muwaadiniinta Kenya islamarkaana aan tallaabadaasi laqaadi Karin iyadoo aan fasax laga heysan maxkamadda sare.


Sidoo kale maxkamadda ayaa diiday in ciidanka ammaanka Kenya ay xiri karaan cidda ay doonaan iyagoo aan warqad ka heysan waxa loogu yeero laamaha caddaaladda Kenya.

Dagaalka ay Kenya kula jirto muslimiinta Bariga Afrika gaar ahaan Kenya iyo Soomaaliya ayaa khalalaasa siyaasadeed iyo mid amni ka abuuray gudaha wadankaasi.

Related Items