Diyaarad Aan Duuliye Laheyn oo Suuriya Ku Dishay Hoggaamiye Katirsanaa Jabhadda Al Nusrah.

Monday January 26, 2015 - 09:21:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Diyaarad Aan Duuliye Laheyn oo Suuriya Ku Dishay Hoggaamiye Katirsanaa Jabhadda Al Nusrah.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in diyaarad dagaal ay duqeysay mas'uul katirsanaa jamaacada Jihaadiga Jabhadda Al Nusrah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in diyaarad dagaal ay duqeysay mas'uul katirsanaa jamaacada Jihaadiga Jabhadda Al Nusrah.

Sarkaal katirsan Xafiiska warfaafinta Jabhadda Al Nusrah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in diyaarad Drone ah ay duqeyn ku dishay Abuu Cumar Al Xamawi oo kamid ahaa hoggaamiyaasha sarsare ee Jabhadda.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in diyaarad joog hoose ku duulaysay ay duqeysay gaari nuuca raaxada ah oo ku socdaalayay meel ku dhaw tuulada Kafra Xalab ee Waqooyiga Suuriya.

Al Nusrah oo ah faraca Al Qaacidda ee dhulka Shaam ayaa lagu daray liiska Argagaxisada loo yaqaan waxayna qeyb ka tahay mujaahidiinta uu Mareykanku u dhistay isbaheysiga 60-ka dowladood ka kooban.

Related Items