Faah Faahin:4 Sarkaal oo Lagu Dilay Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

Monday February 16, 2015 - 17:24:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:4 Sarkaal oo Lagu Dilay Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

    Ciidamo katirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa saraakiil katirsan Dowladda Federaalka ku dilay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawirka gaari uu lahaa wasiirkii arrimaha Gudaha C/Kariim Guuleed oo sanad ka hor KM4 Lagu Weeraray
Ciidamo katirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa saraakiil katirsan Dowladda Federaalka ku dilay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag watay gaari nuuca raaxada ah ay gaarigooda ku horgooyeen gaari kale oo ay la socdeen saraakiil katirsanaa waaxda duulista DF-ka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in 4 sarkaal oo katirsanaa shaqaalaha wasaaradda socdaalka ay ku dhinteen weerarka.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in ciidankoodu mas'uul ka ahaayeen weerarka ayna sii wadi doonaan beegsiga cadawga.


Saraakiisha ladilay qaar kamida ayaa kala ahaa Maxamed Kediye Jumcaale Maariye wuxuu ahaa ku xigeenka duulista
Maxmed Axmed Haaruun wuxuu Maareeyaha Hagidda Hawada,waxaa kale oo iyana ladilay laba sarkaal balse wali aanan faah faahin dheeri ah ka helin

Shalay ayay aheyd markii ciidamada gaarka ah ee xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay degmada Dharkeynleey ku dileen Yuusuf Max'med Siyaad oo ahaa Mas'uul katirsan wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Related Items