Dhageyso:Ciidanka Jabuuti oo Bililiqo Baahsan Ka Geystay Deegaan Katirsan Gobolka Hiiraan.

Tuesday February 17, 2015 - 06:53:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Ciidanka Jabuuti oo Bililiqo Baahsan Ka Geystay Deegaan Katirsan Gobolka Hiiraan.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Jabuuti iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay dhac iyo boob ka geysteen deegaanno Hiiraan katirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Jabuuti iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay dhac iyo boob ka geysteen deegaanno Hiiraan katirsan.

Shalay gelinkii dambe ayay ciidanka Jabuuti oo kasoo dhaqaaqay degmada Buula Barde waxay xoog ku galeen deegaanka Buurweyn oo qiyaastii 30 KM ujira Buula Barde.

Ciidanka Jabuuti iyo maleeshiyaadka la socda ayaa markii ay Buurweyn tageen waxay ku dhaqaaqeen bililiqo baahsan,goob joogayaal ayaa sheegay in ciidanka Jabuuti ay qaateen shidaal iyo Raashin.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in cadawga iswata ay gaadiid ku rarteen dhowr dukaan oo dad shacab ah leeyihiin.


Hantida ay dhaceen ciidanka Jabuuti ayaa gaaraysa 30 fuusto shidaal ah iyo raashinka qeybihiisa kala duwan oo ku dhaw 100 jawwaan Nabadoonka beesha Baadi Cadde oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in wixii Buurweyn ka dhacay ay ahaayeen fal cadawtooyo isagoona dadka deegaanka ugu baaqay in ay la dagaalamaan cadawga dalka kusoo duulay.

Jabuutiyaanka ayaa muddo ku dhaw waxay ku go’doonsanyihiin Buula Barde kadib markii ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay ka jareen waddooyinka.

Related Items