Warbixin:Al Shabaab oo Kordhisay Weerarada ay Muqdisho Ka Fulinayso iyo Laamaha Ammaanka DF-ka oo Daciifay.

Tuesday February 17, 2015 - 07:09:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin:Al Shabaab oo Kordhisay Weerarada ay Muqdisho Ka Fulinayso iyo Laamaha Ammaanka DF-ka oo Daciifay.

    Ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah DF-ka iyo hay'adaha shisheeye ee ku sugan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isgoyska KM4 oo aad loo ilaaliyo ayay Ciidanka Al Shabaab Saraakiil ku dileen
Ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah DF-ka iyo hay'adaha shisheeye ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Laba Maalmood gudahood ayay ciidamada Al Shabaab magaalada Muqdisho ku dileen 5 sarkaal oo katirsanaa Dowladda Federaalka,goobaha dilalku ka dhaceen ayaa ah gooba xasaasi ah sida wadada Makka Al-Mukaramah,KM4 iyo Dharkeynleey.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xarakada Al Shabaab ay taageero dhan walba ah ka heysato shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho taasina ay u sahashay in howlgallo fariid ah ka fuliso halbowlayaasha caasimadda.


Tusaale ahaan weerarkii shalay ka dhacay KM4 ee lagu dilay 4-sarkaal ee kala ah.

1. Abuukar Caddaani, Agaasimaha Gaadiidka Hawada Soomaaliya
2. Maxamed Axmed Haaruun, Maareeyaha Hagidda Hawada
3. Maxamed Kadiye Jimcaale, Maareeye ku xigeenka Duulista Hawada iyo
4.Yuusuf Max’med Siyaad.

Sidoo kale Xuseen Hilowle Caddaan oo ahaa darawal u shaqeynayay saraakiisha dowladda Federaalka "Al Shabaab si heer sare ah ayay uga shaqeynaysaa magaalada Muqdisho waxaa tusaale u ah laba maalmood gudahood ayay KM4 iyo Dharkeynleey saraakiil ku dishay weeraro kale way maleegaysaa”ayuu yiri siyaasiga Cabdi Cadde oo Muqdisho ku sugan.

Laamaha ammaanka DF-ka ayaa ah kuwa daciif ah waxayna ka bixi la’yihiin raafka dadka shacabka ah oo marka ay xabsiyada geeyaan ay lacago dollar ah kusii daayaan.

Sh.Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Al Shabaab ayaa horay u sheegay in Muqdisho ay ku beegsanayaan madaxda DF-ka oo uu ku sifeeyay "Murtadiin” iyo shisheeyaha jinsiyadaha kala duwan leh.

Related Items