Qarax Khasaara Badan Dhaliyay oo Ciidanka Puntland Lagula Beegsaday Duleedka Boosaaso.

Tuesday February 17, 2015 - 09:44:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaara Badan Dhaliyay oo Ciidanka Puntland Lagula Beegsaday Duleedka Boosaaso.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax maleeshiyaadka maamulka Puntland isku magacaabay lagula beegsaday duleedka deegaanka Galgala ee gobolka Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax maleeshiyaadka maamulka Puntland isku magacaabay lagula beegsaday duleedka deegaanka Galgala ee gobolka Bari.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gaari dagaal nuuca Cabdi bilaha loo yaqaan oo ay la socdeen ciidan faraban uu qarax ku qabsaday deegaanka Sugurre waxaana gabi ahaan burburay gaariga la beegsaday iyadoona dhimasho iyo dhaawac ay noqdeen intabadan ciidankii la socday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo kale oo katirsan maamulka Cabdi Wali Gaas ay goobta soo gaareen.

Waa weerarkii 2-aad ee ugu khasaaraha badnaa ee maleeshiyaadka maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland lagu qaado bishan gudaheeda,dhowr maalin ka hor ayay ciidamada shabaabul Mujaahidiin duleedka Boosaaso ku dileen 27 askari.

Related Items