Jabhadda Ansaaruddiin oo Tobaneeyo Askari Ka dishay Nidaamka Suuriya iyo Dowladda Islaamiga ah oo Dhuun Shidaal Qarxisay.

Wednesday February 18, 2015 - 07:14:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Jabhadda Ansaaruddiin oo Tobaneeyo Askari Ka dishay Nidaamka Suuriya iyo Dowladda Islaamiga ah oo Dhuun Shidaal Qarxisay.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen waqooyiga magaalada Xalab oo kamid ah meelaha ay ka socdaan loollanada ugu kulul ee Shaam.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen waqooyiga magaalada Xalab oo kamid ah meelaha ay ka socdaan loollanada ugu kulul ee Shaam.

Kadib markii ciidanka nidaamka Bashaar Al-asad ay xoogaga kacdoonka kaqabsadeen laba deegaan oo istiraatiiji ah ayay mujaahidiinta iyo kacdoon wadayaashu qaadeen weeraro rogaal celis ah.

Dagaallo saacado badan qaatay kadib ayay xoogaga kacdoonka ugu suurtagashay in ay dib uqabsadaan dhulkii laga qabsaday iyagoona khasaara xooggan gaarsiiyay maleeshiyaadka Nuseyriyiinta Bashaar Al-asad.

Bayaan kasoo baxay Jabhadda Ansaaruddiin ayay ku sheegtay in ay dileen 51 katirsan ciidanka nidaamiga ah islamarkaana ay dib u qabsadeen deegaannada kala ah Ratyaan iyo Xardateyn.


Sawirro baraha internetka lagu faafiyay ayaa muujinayay tobaneeyo katirsan Meydadka ciidanka xukuumadda Suuriya oo daadsan goobihii lagu dagaalamay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidanka cadawga uu 21 qof oo shacab muslimiin sunni ah ku gowracay duleedka Xalab kadib markii uu qabsaday deegaannada dib loogasoo celiyay.

Dhinaca dowladda islaamiga ah ayaa ku dhawaaqday in ay qarxisay dhuun shidaalka qaadda oo isku xirta garoonka diyaaradaha caalamiga Dimishiq iyo magaalada caasimadda ah.

Related Items