Warbixin:Itoobiya oo Xasan Sheekh Uga Yeertay Addis Ababa Awaamir Horleh-na siinaysa.

Wednesday February 18, 2015 - 08:54:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin:Itoobiya oo Xasan Sheekh Uga Yeertay Addis Ababa Awaamir Horleh-na siinaysa.

    R/wasaaraha Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa uga yeeray hoggaamiyaha DF-ka Xasan Sheekh Maxamuud saacado kadib markii uu kasoo laabtay dalka Jarmalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/wasaaraha Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa uga yeeray hoggaamiyaha DF-ka Xasan Sheekh Maxamuud saacado kadib markii uu kasoo laabtay dalka Jarmalka.



Xasan Gurguurte ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ka raacay diyaarad gaar ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha Itoobiya,Madaxda Itoobiya ayaa Xasan Gurguurte awaamir hor leh kusiinaya magaalada Addis Ababa.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Itoobiya ay Xasan Sheekh amar kusiin doonto in Ururka Midowga Afrika iyo Q.Midoobe uqoro codsi ah in ciidamo Itoobiya ka socda lageeyo magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.



Itoobiya oo ciidankeedu xoogga ku joogaan intabadan gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa u hanqal taageysa sidii ay awood buuxda ugu yeelan laheyd Jubbooyinka islamarkaana ay Kenya ula qeybsan laheyd dhaqaalaha kasoo xarooda Dekadda Kismaayo.

Dhismaha maamulka loogu magac daray Gobollada dhexe oo Itoobiya taabacsan ayaa laga yaabaa in hoggaamiyaha Itoobiya uu kala hadlo Xasan Sheekh.

Kumaanaan katirsan ciidanka gumeysiga Itoobiya ayaa ku hareeraysan magaalooyin ay soomaaliya uga suganyihiin halka maleeshiyaadka DF-ka ee gumeysi kalkaalka ah aysan waxba utarin Itoobiya.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa iska caabin kula jirta in kabadan 70-kun askar Itoobiyaan ah iyo 23-kun ciidamo Afrikaan ah oo magaca AMISOM wata.

Falanaqeeyayaasha ayaa sheegaya in sugnaanta muslimiita Soomaaliya ka halgameysa ay taxaddi dhan walba ah ku noqotay gumeystaha jinsiyadaha kala duwan leh iyo munaafiqiinta Soomaalida ah.

Itoobiya ayaa mar walba amar kusiisa hoggaamiyaasha DF-ka in ay Addis Ababa iska xaadiriyaan si ay awaamirta uga qaataan.

Related Items