4 Askari oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Xadka Kala Qeybiya Tuunis iyo Al-Jazaa'ir.

Wednesday February 18, 2015 - 11:04:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    4 Askari oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Xadka Kala Qeybiya Tuunis iyo Al-Jazaa'ir.

    Dagaallo culus ayaa wadanka Tuunis ku dhaxmaray ciidanka xukuumadda dabadhilifka wadankaasi iyo xoogag katirsan mujaahidiinta xad beenaadka ay wadaagaan Tuunis iyo Al Jazaa'ir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa wadanka Tuunis ku dhaxmaray ciidanka xukuumadda dabadhilifka wadankaasi iyo xoogag katirsan mujaahidiinta xad beenaadka ay wadaagaan Tuunis iyo Al Jazaa'ir.



War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Tuunis ayaa lagu xaqiijiyay in saldhig melleteri oo kuyaal gobolka Alqasreyn uu lakulmay weerar hubeysan oo ay ku sifaysay mid Argagaxiso.

Ugu yaraan 4 katirsan ciidanka xuduudda ilaaliya ee melleteriga ayaa lagu dilay weerarka hubeysan,wararka ayaa intaasi ku daraya in xoogaga islaamiga ah ee weerarka soo qaaday ay dib ugu gurteen dhanka wadanka Aljazaa’ir.

Xukuumadda Tuunis ayaa wajaheysa colaadin xooggan oo uga imaanaysa xoogaga jihaadiga ah oo sanado ka hor ay ku iclaamisay dagaal iyadoo ku dartay liiska waxa loogu yeero Argagaxisada.

Related Items