Gabi dhacleynta Sheekh Umal iyo Mawaaqiftiisa Diineed ee Isburinaysa Dhageyso Warbixin Xasaasi Ah.

Wednesday February 18, 2015 - 20:53:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 8 2
  • Share via Social Media

    Gabi dhacleynta Sheekh Umal iyo Mawaaqiftiisa Diineed ee Isburinaysa Dhageyso Warbixin Xasaasi Ah.

    Idaacadda Islaamiga Alfurqaan ayaa warbixin xasaasi ah ka diyaarisay isbed-bedelka dhanka mawaaqifta diineed ee Sheekh Max'med Umal oo kamid ah soomaalida dalka dibaddiisa ku nool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Idaacadda Islaamiga Alfurqaan ayaa warbixin xasaasi ah ka diyaarisay isbed-bedelka dhanka mawaaqifta diineed ee Sheekh Max'med Umal oo kamid ah soomaalida dalka dibaddiisa ku nool.



Warbixinta ayaa lagusoo qaadanayaa Sheekh Umal oo hadallo is burinaya ku hadlaya islamarkaana waji gabax kala kulmay jaaliyadda soomaalida wadanka Zaambiya gaar ahaan magaalada Ndola.

Su’aalo Max’med Cabdi Umal la weydiiyay waxaa kamid ahaa qof muslim ah maka mid noqon karaa Ciidanka Mareykanka?,malagu gaaloobayaa la shaqeynta Dowladda Federaalka iyo waxa ay shareecada islaamku ka qabto dasaatiirta gacan ku sameyska ah ee reer galbeedku soo dajiyeen oo xukuumadda Xasan Sheekh ku dhaqanto.



Umal wuxuu weerar afka ah ku qaadayaa xarakada Shabaabul Mujaahidiin isagoo mujaahidiinta labarbar dhigaya shayaadiinta!!.

Sh/Umal ayaa waxaa ugu dambeyntii ku buuqay dadkii uu muxaadarada u qabanayay kadib markii ay dhageysan kari waayeen jawaabaha khaldan ee uu ka bixiyay su’aalaha la weydiiyay.

Marka wadaad uu ku dhawaaqo wax yaabo laga shakisan yahay amaba caamada u muuqan kara ayaa waxaa lala xiriiraa oo arrinta loo bandhigaa culimada aqoonta leh ee rabaaniyiinta ah si ay u bixiyaan jawaab sharci ah, laakin arrimaha uu ku kacay Sh/Umal uma bandhigin mashaa’ikh kale ee waxaan u bandhignay Sh/Umalkii hore ee dadka u qarin jiray Al-walaa’ Walbaraa’.

Halkan ka degso Warbixinta MP3

Xigasho:Idaacadda Alfurqaan

Related Items