Maleeshiyaad Ka Gadooday Degmada Go'doonsan Ee Buula Barde iyo Ciidanka Jabuuti Walaac Muujinaya.

Thursday February 19, 2015 - 08:57:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad Ka Gadooday Degmada Go'doonsan Ee Buula Barde iyo Ciidanka Jabuuti Walaac Muujinaya.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo khasaara badan dhaliyay ay dhaxmareen maleeshiyaad taabacsan DF-ka iyo ciidamada Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo khasaara badan dhaliyay ay dhaxmareen maleeshiyaad taabacsan DF-ka iyo ciidamada Jabuuti.

Ciidamo wata 6 gaadiidka dagaalka ah ayaa isku dayay in ay ka baxsadaan degmada Hareeraysan ee Buula Barde ayna aadaan dhanka degmada Jalalaqsi.

Ciidanka Jabuuti ayaa is hortaagay baxsashada maleeshiyaadka DF-ka kadibna dagaal culus ayaa labada dhinac ku dhaxmaray meel ku dhaw deegaanka Buurweyn.

Wariye Nuur Cali Warsame oo Hiiraan ku sugan ayaa soo sheegay in ciidanka Jabuuti ay hub ka dhigis ku sameeyeen 60 katirsan maleeshiyaadka DF-ka ayna dib ugu celiyeen Buula Barde.


Ciidan wata 6 gaari Tiknika ah ayay u suurtagashay in ay Jalalaqsi gaaraan waxaana lafilayaa in ay kasii aadaan dhanka degmada Jowhar.

Saraakiisha ciidanka Jabuuti ayaa ka carooday tallaabada ay maleeshiyaadka DF-ka uga baxeen difaacyada,hareeraynta ay ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin saareen Jabuutiyaanka Buula Barde ku sugan ayaa saameyn ba'an ku reebtay cadawga taasi oo keentay in ay degmada isaga firxadaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha ciidanka Burundi ee degmada Jalalaqsi ku sugan ay ka gaabsadeen in maleeshiyaadka kasoo baxsaday Buula Burde dib u celiyaan.

Related Items