Ciidamada Mujaahidiinta oo Weeraro Ku Miray Saldhigyada Ciidanka Kenya ee Duleedka Kismaayo.

Thursday February 19, 2015 - 10:57:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Mujaahidiinta oo Weeraro Ku Miray Saldhigyada Ciidanka Kenya ee Duleedka Kismaayo.

    Ciidamada mujaahidiinta wilaayada islaamiga Jubbooyinka ayaa xoojiyay halganka ay kula jiraan ciidamada gumeysiga Kenya ee duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada mujaahidiinta wilaayada islaamiga Jubbooyinka ayaa xoojiyay halganka ay kula jiraan ciidamada gumeysiga Kenya ee duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ay ku weeraro ku ekeeyeen saldhigyada ciidamada Kenya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo tuulada Buula Guduud.

Jugta madaafiic xooggan iyo rasaas lays dhaafsanayay ayaa laga maqlay garoonka Kismaayo,warar madax banaan ayaa sheegaya in madaafiic lagu garaacay saldhigga ciidanka Kenya kadibna waxaa bilaawday dagaallo fool ka fool ah.

Weerarada ka dhanka ah ciidanka gumeysiga Kenya ayaa joogta ka noqday gobolka Jubbada Hoose waxaana xusid mudan in dowladda Kenya aysan qiran khasaaraha kasoo gaara weerarada lagu qaado.

Related Items