Sidee Al-Shabaab dilalka uga fuliyaan meelaha xassaasiga ee Muqdisho?

Thursday February 19, 2015 - 19:42:59 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Sidee Al-Shabaab dilalka uga fuliyaan meelaha xassaasiga ee Muqdisho?

    Su'aasha ah sidee ayay Al-Shabaab dilalka uga fuliyaan meelaha xassaasiga ah ee Muqdisho ayaa ah tan mar waliba ku soo deg degta maskaxda dadka mar waliba oo ay maqlaan howlgal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Muqdisho, laguna dilay xubno ka ti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Su'aasha ah sidee ayay Al-Shabaab dilalka uga fuliyaan meelaha xassaasiga ah ee Muqdisho ayaa ah tan mar waliba ku soo deg degta maskaxda dadka mar waliba oo ay maqlaan howlgal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Muqdisho, laguna dilay xubno ka tirsan saraakiisha maamulka DF. Inta badan iyadoon jawaab loo helin su'aashaas ayay dhacaan weeraro kale oo isweydiinno kale reeba taas oo xaaladda ku cakirisay xubnaha DF uga masuulka ah dhanka Amniga ee iyagu qudhooda bartilmaameedka u ah weerarada qorsheysan.

Xarakada Al-Shabaab oo la rumeysan yahay in sanadihii la soo dhaafay ay Muqdisho gelisay ciidan badan oo qarsoon ayaa dhawaan sheegtay in qaab waliba ay ku ugaarsan doonaan xubnaha masuuliyiinta DF, sida laga soo xigtay Afhayeenka dhanka Ciidanka Sh C/caziiz Abu Muscab.



Dadka u dhoondaloolla arrimaha Amniga ayaa xaqiijinaya gudaha maamulka DF iney ka jiraan waxa loogu yeero "Vulnerabilities " ama dul-duleello dhanka Ammaanka oo aad u badan taas oo Al-Shabaab ay iyana si aad u xirfadeysan uga faa'iideysanayaan, sidaba ka muuqata weerarrada isi soo taraya ee sida tooska ah u beegsanaya masuuliyyiinta DF.


Ciidanka Xarakada Al-Shabaab ee Muqdisho ka howlgalaya oo la sheego iney qabaan tababar aad u heer sarreeya, adeegsadana qorshayaal si qoto dheer loo hindisay ayaa Muqdisho ka waday muddooyinkii u danbeeyay howlgallada nuuca "Drive-by-shooting"oo ah gaari soconaya inuu "Target" ka beegsado gaari kale oo socnaya, waana taaktiik ay aad u adeegsadaan xoogagga Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq.


Howlgallada nuucaas ah ayaa muujinaya taxaddi weyn oo horyaalla qalabyada Ashahaada la dirirka (Hey'adaha Ammaanka) ee maamulka DF, waxaana la rumeysan yahay in ragga Al-Shabaab weerarradaas u fuliya ay qabaan tababarro Commandoos, mararka qaarna waxaa laga yaabaa in raggaas ay ku jiraan dagaaliyahannada Muhaajiriinta ee khibradaha leh.


Khubarro dhanka Amniga ayaa ku qiimeeyay khatarta holwgalladan marka la eego dhinacyada kala ah:


  • Waqtiga ay dhacayaan oo dharaar cad ah
  • Goobaha ay ka dhacayaan oo ah meelo xassaasi ah
  • Bartilmaameedka weeraradaas oo ah rag sar sare sida Xildhibaano, Saraakiil ciidan, iwm


Amiirkii hore ee Xarakada Al-Shabaab Sh Mukhtaar Abu Zubeyr oo ahaa nin aad u caqli badan, kuna dheereeya arrimaha Ammaanka ayaa loo tiiriyaa qaab istiraatiijiyeedka ay ku howlgalayaan Xoogagga Amniyaatka, waxaana aad loogu badinayaa unugyo iyaga ka mid ah iney yihiin kuwa Muqdisho ka fuliya howlgallada nuuca "Drive-by-shooting".

Related Items