Ku Dhawaad 10 Askari oo Lagu Dilay Duleedka Qoryooleey Kadib Dagaal Dhaxmaray Dadka Deegaanka iyo Ciidan Taabacsan Shariif Sakiin.

Thursday February 19, 2015 - 12:25:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 31
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ku Dhawaad 10 Askari oo Lagu Dilay Duleedka Qoryooleey Kadib Dagaal Dhaxmaray Dadka Deegaanka iyo Ciidan Taabacsan Shariif Sakiin.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay deegaanno hoos yimaad degmada Qoryooleey ku dhaxmareen maleeshiyaad taabacsan DF-ka iyo dadka deegaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay deegaanno hoos yimaad degmada Qoryooleey ku dhaxmareen maleeshiyaad taabacsan DF-ka iyo dadka deegaanka.

Wariye ku sugan Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegay in ciidamo taabacsan dadka  beeralayda ah ay weeraro culus ku qaadeen maleeshiyaad daacad u ah Shariif Sakiin kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay gubayay beeraha ku hareeraysan degmada Qoryooleey.

Warar lagu kalsoonyahay aya sheegaya in 6 katirsan maleeshiyaadkii taabacsanaa Shariif Xasan lagu dilay weerarka iyadoona hub laga furta.

,ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dadka deegaanka oo is abaabulay ay maalmo ka hor cabasho ugudbiyeen ciidanka shisheeyaha AMISOM oo ku aaddan maleeshiyaadka magaca DF-ka wata ee dhibaatada ku haya dhul beereedka kadibna AMISOM ay beeralayda u ogolaatay in ay iska celiyaan Maleeshiyaadka Shariif Sakiin ee dhibaatada geysanayay.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in si dirqi ah uu ku badbaaday sarkaal katirsanaa maleeshiyaadka dabadhilifyada shisheeye Kalkaalka ah kaasi oo dadka nolosha ku gubi jiray.

Dhinaca kale ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa nolosha ku qabtay sarkaal katirsanaa DF-ka xilli uu ku socdaalayay wadada xariirisa degmooyinka Baraawe iyo Buula Mareer.

Related Items