Obama "Dowladda Islaamiga Ah iyo Al Qaacidda Waxay Hanteen Muslimiinta Balse Ma Metelaan".

Thursday February 19, 2015 - 18:16:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Obama "Dowladda Islaamiga Ah iyo Al Qaacidda Waxay Hanteen Muslimiinta Balse Ma Metelaan".

    Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka Brack Obama ayaa walaac ballaaran ka muujiyay kobaca mujaahidiinta caalamka iyo saameynta ay ku yeelanayaan caalamka islaamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka Brack Obama ayaa walaac ballaaran ka muujiyay kobaca mujaahidiinta caalamka iyo saameynta ay ku yeelanayaan caalamka islaamka.

Isagoo khudbad ka jeedinayay shir caalami ah oo looga hadlayay waxa loogu yeero Xagjirnimada iyo Argagaxisa ayuu sheegay in mujaahidiinta dowladda Islaamiga ah iyo Al Qaacidda ay noqdeen awoodda kaliya ee difaacaysa Muslimiinta.

Obama wuxuu khodbad dheer oo uu ujeediyay madaxda shirka ka qeyb gelaysa ku muujiyay sida uu uga walaacsanyahay in mujaahidiintu  kasbanayaan dad kabadan Hal Milyaar Muslimiin ah.

"Dowladda Islaamiga ah iyo Al Qaacidda waxay kasbanayaan dadka muslimiinta iyagoo iska dhigaya in ay islaamka difaacayaan xaqiiqdu sidaasi ma ahan waa xagjirayaal aan islaamka wax shuqul ah ku laheyn”ayuu yiri Obama.


Brack Obama ayaa u hadlayay sidii Wadaada xumayaasha oo kale balse wuxuu qirayay in islaamiyiinta caalamka ay yihiin kuwa kaliya ee muslimiinta hantay.

"Xagjirayaashu muslimiinta ma matelaan sababtoo ah islaamku waa nabad gelyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Obama.

Mar uu soo hadal qaaday dagaalka Mareykanka uu kula jiro muslimiinta ayuu arrinkaasi qiray balse wuxuu u dhigay in ay dagaal kula jiraan islaam xagjir ah "Mareykanku dagaal kulama jiro muslimiinta ee wuxuu kula jiraa xagjirayaal islaamka ka weecday dagaalkaas annaga iyo muslimiinta ayaa udhan”ayuu ku hadaaqay beenaale Obama.

Warkan kasoo yeeray Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa kusoo aadaya waqti dowladda Islaamiga ah ay saameyn ku yeelatay caalamka islaamka islamarkaana jamaacaadka jihaadiga ah ee ku xiran Tandiimka Al Qaacidda ay isku fidiyeen caalamka.

Related Items